Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan La Yeeshay Wafti Ka Socda Urur Gobolkeeddka IGAD

Hargeysa (Berbera news) Kulankan  ay wadda-yeesheen Madaxweyne Siillaayo iyo Danjiraha Urur Gobolkeed IGAD u Qaabilsan Arrimha Somaalida Maxamed Cabdi Afay oo Todobadkan safar ku yimid Somaliland ayaa lagu sheegay in lagaga hadlay sidii Waftigani ay uga warbixin lahaayeen ujedda Safarkooda  ay ku yimaadeen Somaliland iyo Safar  ay ku tageen Degmadda Sheekh oo uu ku yaalo Iskuulka Barashadda Culuunta Xoolaha oo IGAD ay ka caawiso Dhinaca Dhaqaalaha.
 
 
Kulankan oo ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyadda oo Danjirahani uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland ayaa Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis uu Ujeedda safarka Waftigani ku sheegay sii xoojinta Cilaaqaadka Somaliland iyo Urur Goboleedka IGAD.
 
 
Danjiraha  Urur Gobolkeed IGAD u qaabilsan Somaaliya iyo Somaliland Maxamed Cabdi Afay ayaa sheega in safarkooddu uu la xidhiidho sidii ay xog uga heli lahaayeen inay Somaliland ka caawiyaan wixii Mashaarcii ah ay ku Taageeri-karaan.
 
 
Waftiga ayaa  Axaddii Todobadkan safar ku yimi Magaalada Hargeysa, kuwaas oo sheegay inay Somaliland ka Taageerayaan arrimaha Doorashooyinka iyo Caafimadka.
 
 
 
 
 
Halkan Ka Daawo.

 
Berbera news/Hargeysa.