Hankaygu Wuxuu Ahaa, Hogbay Ku Rideen Mar Hore!!

Intii aan garaadsaday, waxaan yeeshay han, hami iyo himilo badan. midba-se wakhtiga iyo waayaha ayaa wabiyada rogmada igaga daray. is badalka aragtiyaha iyo waaqica waayaha ayaa midba gaarkiisa iiga hor istaagay hankaa badan ee aan lahaa.
 
Aadbaan u jeclaa siyaasada waxaanan ku hamiyi jiray inaan ka mid noqdo siyaasiinta qaranka kuwooda lagu dhaato ee dadkooda iyo dalkoodaba dhaxalka waara uga taga. Waxaan lahaa in badan oo aan ka dab qaato ama hormuud u ahaa hankayga siyaasadeed, muddo danbe ayaan ogaaday in aanay waxaan habaar ahayn kala huleelin saaxada.
Waxaan nacay markii hebel kasta, Ruux kasta oo aynigii ka hadhay cumaamadda siyaasiga xidhay. Waxaan nacay kolkii ninkii afartan sanno ku jaray iyo kii shalayto soo galay, isku meeqaam ay ka noqdeen saaxada, ee labadoodaba siyaasi loogu yeedhay. Daadkaa qaaday hankaa hadda, waanan hakiyay hamigaa si looga soo qaban badwayntuu ku haftay allaa og.
Qalinka iyo qoraalka aadbaan u jeclaa, wargaysyadaan ku xidhanaa Tv-yada wararka laga soo daayo ayaan hor fadhiyi jiray, waxa I cajab galin jiray macluumaadka ay hayaan iyo taariikhday kaydiyeen wariyayaashu iyo habkay ugu gudbiyaan bulshada afkooda ku hadasha. Waxaanse hakiyay hankaa markii ay soo baxeen “I aamusii.. waan kaa hayaa ka seexo. Ila heshii aan cayda joojiyee… iyo wariye caadifadaysan oo qabiilaysan.
Markii wariyayaal qoraalkooduba salka ku hayo dhuuni ay soo baxeen, bulshaduna mihnadii wariyahaba ka sastay, Iyana waan ka hadhay goortaa. Haasaawe Qalinka guriga iyo asxaabta aan dhafsiisnay maadda, madadaalada kaftanka iyo sheekada ku abtirsada wali dabadaan hayaa isaga.
Culimada iyo shuyuukhda aadbaan ugu dhawaa. waanan jeclaa haysashada kutub badan, akhriskaygaa badnaa, waxaanse aad uga heli jiray markaan khudbadahooda dhagayste ka noqdo, naftaydaan kula xanshaashiqi jiray xilimaad sidaa ummada wax ugu sheegi doontaa? Gadhku inuu sunihii nabiga yahay CSW xadiisbaan ku dhigtay. Ninkastoo gadhwaynina inuu diin xanbaarsan yahay Soomaali iyo aniguba waanu u naqaanay. Markii wadaad aan shalay jeclaan jiray inaan la simmo ama aan gaadho darajadiisa cilmi, qaarkood isku qarxiyeen islaam aan waxba galabsan, maatadii iyo caruurtiina baro kiciyeen, qaarkoodna dhiig miirato iyo xoolihii ummada daldasheen, kuwo kalena gaaleeyeen, kuwo meel aan jihaad ku jirin jihaad ku sheegeen, kuwo kalena halkii jihaadku ku jiray ka aamuseen ee qaar koox misaajiddo iyo malcaamaddo odayaal carbeed dhiskooda sadaqad u baxsadeen jeebka ku shubteen, bulshaduna gadhkii iyo sunnihii nabiga CSW ee ninka sitaa ilaalin lahaa baqdin maal iyo mid nafeed ka qaadeen, waan ka gaabsaday iyagana oo dibna uga gurtay hankaygii.
Inaan ilaahay iskay u caabudo qofkii cilmi I dheerna wixii aqoona aan ka qaataan go’aansaday. Fanka waan jeclahay in kastoo aanan hal-abuurnimo hidaysan haddana akhriska badan iyo dhagaysiga suugaantu wuxuu I baray in aaan ka ag dhawaado inta hibada iyo hal-abuurka ku caan baxday, waxaanan noqday inta qiiqoodu ku baxo. suugaan dhaadhi waan isugu yeedhi karayay waxaanse faraha kala baxay markii wax waliba suugaan lagu sheegay, eraygii abwaan la wada bililiqaystay dadkuba wada abwaan noqdeen, canjeeladana maahmaaho loo sameeeyay, ragii kartida aftahannimada, geesinimada lagu amaani jiray, qurux lagu amaanay, cid kale daayo anoon xitaa booshaaq gabay iyo mid geeraartoona eray ku odhan abwaan laygu yaadhay, iyana kalgacaylkaan u qabay wuu karaar jabay. Wax wal oo hankaygu ahaa inbaa mansab iyo magac ahaanba ugu adeegatay, muunadiina ka qaaday.
Wixii aan han iyo himilo lahaa waxa igaga hadhay, inaan dartay u shaqaysto shaqo xalaal ah, inaan ku da’daalo sidii aan maal wixii rabi igu manaysto adoomihiisa wax ka siiyo, dhib iyo dheefna mid la qaybsada u noqon lahaa. Haa,kaasuunba hadda igu hadhay, waan ku mitidayaa insha allaah isaga. rabigay wuu ii dhabayn, intii hore hankaygu ahaa ee la sahaydayna waan ku gaadhi karaa. haa! waan ku gaadhi karaa waanan ku gaadhayaa insha alllah.
 
Maxamed Xasan Caalin