Maareeyihii Wargeyska Ogaal Oo Hargeysa Ku Geeriyoodday Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Tacsi U Diray Qoyskii Uu Ka Baxay

Hargeysa  (Berbera news)  ALLE ha u naxariiste waxa galabta Magaaladda Hargeysa ku geeriyoodday Maareeyihii Wargeyska Madaxbanaan ee Ogaal oo ka soo baxa Magaaladda Hargeysa, kaas oo u geeriyoodday xanuun muddo uu u jiifay.
 
Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa tacsi u diray Qoyskii uu ka geeriyoodday Marxuumku.
 
 
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafada, Shacbiga Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii ee uu ka baxay Maareeyihii Wargeyska Ogaal Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
 
 
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay Suxufi door muhiima ka soo qaatay heerka saxaafada Dalku ay maanta taagan tahay,  waxaanu madaxweynuhu si gaara u tacsiyadaynayaa Walaalkii Muuse Faarax Jaambiir oo ka mid ah odayaasha Saxaafada Somaliland.
 
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ILLAAHAY uga beryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna  Samir iyo Imaan ha ka siiyo”
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa