Ciidamada Booliska Boorama Ooo Qabtay Nin Xidhan Jilbaabka Dumarka

Boorama (Berbera news)  Ciidamada Booliska magaalada Borama ayaa maanta ay gacanta ku sooo dhigeen islamarkaasina xabsiga dhigay nin ku labisan dharka dumarka .
 
Ninkan ayaaa ciidamada boliska waxa u soo sheegtay haweenay khudaar ku iibisa sariimada xaafada Axmed Guray ee magaalada Borama ,kadib markii ay aragtay ninkan oo xidhan jilbaab iyo niqaam kana adeeganaya suuqa .
 
Taliyaha ciidamada Bilayska Ee G.Awdal  Cabdi Barkhad Khayre Mr.Arawelo, oo warbaahinta u waramayay ayaa waxa uu sheegay in ay ninkan hada baadhitaan ku hayaan islamarkaasina wixii kukalifay in uu labiskan xidho la ogaandoono, balse hada aanu jeclayn in uu ka hordhoco baadhista.
 
Waxakale oo uu taliye Araweelo intaasi raaciyay in bulshada ay uga digayaan dhaqan xumada sidan oo kale ah islamarkaasina sharci ahaaan, diinahaan iyo dhaqan ahaanba ay reeban yihiin in dharka dumarka ay ragu isticmaalaan ama ay ku labistaan waxana uu xusay in kiiskani uu yahay mid ku cusub bilayska .
 
Gabagabadiina waxa uu taliyuhu u mahad celiyay gabadhii ciidamada bilayska u soo sheegtay ninkan waxaanu bulshada ka codsaday in ay ka foojignaadaan isla markaasina ay la soo socodsiiyaan booliska dhacdooyinka sidan oo kale ah.
 
 
Dhinacakale ninkan dharka dumarka xidhnaa oo ka soo jeeda qoomiyada Oromada ee dalkaasi Ehtobiya ayaa sheegay in ay haweenay dharkan u soo toshay si uu ugu shaqeeyo goobaha dumarka ay ka ganacsadaan, waxana ciidanku soo xidheen isla gabadhii ninkan uu sheegay.
 
 
Sikastaba ha haatee dadka u kuur gala arimaha sirdoonka ayaa sheegaya in arimahan oo kale ay keeni karaan kasokow dhaqan xumo , nabadgalyo daro baahsan.
 
 
 
Berbera news/Boorama