Halkan Ka Akhriso Nuxurka Go’aamaddii Lagu Xaliyay Khilaafkii Ururka SOLJA

 Hargeysa (Berbera news) Guddida  Odayaasha Saxaafadda Somaliland ka midka ahayd ee isku xilqaamay in ay so oaf-jaraan khilaafka soo kala dhex galay hoggaanka ururka suxufiiinta Somaliland ee SOLJA,ayaa maanta soo saaray go,aan iyo qodobo lagu xaliyay khilaafka u dhexeeyay Guddoomiyaha SOLJA  Xasan Maxamed Yuusuf iyo xubnaha gudiga fulinta oo gaadhay meel ay warbaahinta iskaga jawaabaan.
 
 
Guddida ayaa sheegtay in Khilaafka labada dhinac ee ku salaysan Magacaabista Guddida qabanqaabada Shirweynaha Solja yahay mid sharci islamarkaana markii ay dhegaysteen Dooda iyo cabashada labada dhinac ay soo saareen 7 Qodob oo xal looga dhigay khilaafka.
 
 
Qodobada lagu xaliyay khilaafka Hogaanka SOLJA oo uu Akhriyay Xuseen Cali Nuur Guddoomiyaha Guddin isku xil-qaantay khilaafka Ururka SOLJA, kuwaas oo u dhignaa sidan :-

  1. In Eedihii labada dhinac isku jeediyeen muddadii Khilaafka ka dib aanay waxba ka soo qaadin
  2. Gudoomiyaha SOLJA, isaga ayaa Sharci u leh Magacaabista Guddida qabanqaabada shirweynaha 5-aad ee Solja;
  3. In Ansixinta Guddida Qabanqaabada shirweynaha ay fulintiisa Sharci ahaan u leeyihiin Guddida fulinta;
  4. In Wada tashigu yahay mid furan mar walba, balse soo xulista iyo Ansixinta ay kala leeyihiin Gudoomiyaha iyo gudida fulintu;
  5. In xubnaha uGuddida fulintu iyagoo isku dhan kala shaqeeyaan guddida Qabanqaabada hawlaha shirweynaha;
  6. In Shirweynaha Ururka lagu qabto muddo hal bil ah,maadaama ay mudo dhaaf tahay wakhtigii qabashada shirku
  7. In Guddida qabanqaabada Shirweynaha 5-aad ee Solja lagu dhamaystiro muddo 5 cisho ah(Magacaabistooda iyo Ansixintooda) oo ka bilaamaysa Maalinta go’aankan lagu dhawaaqo.

 
 
 
Labadda dhinac ee ay Ergaddni dhe-dhexaadinaysay oo kala hogaaminayeen Guddoomiyaha Ururka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf iyo Xoghayaha Ururkaasi Maxamed-rashid Muxumed Faarax ayaa sheegay inay aqbaleen Go’aamaddan ay soo-saareen Guddidani.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa