Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka Burco Oo Beeniyay In La Iibinayo Taallada Sheekh Bashiir Ee Burco

 Burco (Berbera news)  Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha deegaanka Burco ayaa gaashaanka ku dhuftay warar sheegaya in la iibinayo goob ay ku taalo taalladda Marxuum-Sheekh Bashiir ee magaaladaasi.
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan doonayaa inaan idiinka jawaabo arrin soo noqnoqotay oo ah taallada Sheekh Bashiir oo ka mid ah goobaha taariikhiga ah ee Gobolka Togdheer ku yaalla,waxaan halkan idiinka balan-qaadayaa shacbiga reer Burco gudo iyo dibad-ba intii aan dibadda joogayna aad ayaa su’aalo la iiga weydiin jiray. Markaa meel lagu soo qaaday oo aanu Gole deegaan ahaan ka shirnay oo la yidhi Taalladda Sheekh Bashiir ayaa la iibinayaa ma jiro, qorshahana kuma jirto,”ayuu yidhi Xildhibaan Mubaarig Bidhi oo u warramayay warbaahinta.
 
 
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray  “Wax Suurto-galaya ma aha, Taalladda Sheekh Bashiir sidaas ay tahay ayay ahaanaysaa. Waliba waxaan dadweynaha u balan-qaadaynaa inaanu dhisi doono.”
 
 
Xildhibaan Mubaarig waxa uu qurbo-jooga reer Togdheer ugu baaqay inay yimaadaan magaaladda Burco oo dhistaan isla markaana maal-gashadaan. Waxaanu tilmaamay in uu shakhsi ahaan Iyo Gole ahaan-ba ay dedaal u galeen sidii ay wax ugu qaban lahaayeen shacbiga Burco ee soo doortay.
 
 
“Wax badan waanu qabanay, waxna way innaga xumaan karaan, wixii innaga xumaadayna waanu hagaajinaynaa,”ayuu yidhi Xildhibaanku.
 
 
Md. Mubaarig Bidhi waxa uu ka mid yahay Xildhibaanadda qurbo-jooga ah, waxaanu degan yahay dalka Ingiriiska, waxaanu inta badan qalab iyo agab kala duwan ku caawiyaa oo uu qurbaha ka soo ururiyay xarumaha dugsiyadda, cisbitaaladda iyo goobaha adeegyadda bulshadda fuliya, waxaana lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay xildhibaanadda ugu firfircoon uguna dedaalka badan Golaha deegaanka Burco.
 
 
 
Berbera news/Burco