Ruushka oo Mabnuucay Cuntooyinka uga iman jiray Yurub iyo Maraykanka

Mosco, 09 Augus, 2014-(Himilo)- Dawladda Ruushka, ayaa shaaca ka qaadday inay mabnuucday Cuntooyinka iyo Waxyaabaha kale ee looga soo dhoofin jiray waddamada Yurub iyo Maraykanka, ka dib markii ay dalalkaasi ku soo rogeen cuno-qabatayn Ruushka markii uu si weyn uga qayb-qaatay xasaradaha ka taagan Ukraine oo uu faro-gelin toos ah ku sameeyey, isla markaana gacan taageero oo muuqata u fidiyey Jabhadda gooni-u-goosadka dagaallada kula jira dawladda Ukraine.

Raysal-wasaaraha Ruushka Dmitry Medvedev, ayaa go’aankan shalay Mosco kaga dhawaaqay, waxaana cuntooyinka la mamnuucay ku jira Hilibka, Khudaarka iyo Caanaha.

Sidoo kale, Cuntooyinka laga keeno Canada, Australia iyo Norway, ayaa iyaguna ku jira kuwa Ruushku ay joojiyeen waxyaabihii looga soo dhoofin jiray ama uga iman jiray. Madaxweyne Putin ayaa Saxeexay Wareegtada lagu mabnuucayo Cuntooyinka laga soo dhoofiyo Yurub iyo Maraykanka muddo sannad ah.

Dadka falanqeeya xaaladaha Siyaasadeed ee Ruushka, Midawga Yurub iyo Maraykanka, ayaa sheegaya in tallaabadani ay halis gelinayso Macaamiisha Ruushka ee iyagu sida weyn ugu xidhan Cuntooyuinka dibedda laga soo dhoofiyo. Waxay qaarkood ku doodayaan inay dhibaatooyin ama saamayn dhaqaale tallaabadan Ruushku qaaday ku keenayso dalalka Yurub iyo Maraykanka ee noocyada Cuntooyinka u soo dhoofin jiray Ruushka.

Falanqeeyayaasha qaarkood ayaa ku doodaya inay saamaynta dhaqaale ee joojinta agabkaasi ka dhalanaysa aanay ahayn keliya mid saamaynaysa Midawga Yurub iyo Maraykanka, balse dadka iyo shirkadaha Ganacsi ee Ruushka ee Cuntooyinkaa soo dhoofsan jiray iyo kuwa ka ganacsan jiray-ba ay taabanayso dhaqaalahooda.

Raysal-wasaaraha Ruushku wuxuu sidoo kale sheegay inay dawladdiisu ka fikirayso inay mabnuucdo diyaaradaha reer Galbeedka ee dul-mara Hawada sare ee waddanka Ruushka, duulimaadyada ay ku tagaan ama kaga yimaaddaan dalalka Aasiya.

Maraykanka iyo Midowga Yurub, ayaa Cuno-qeytno xidhiidh ah ku soo rogay Ruushka, ka dib markii uu goostay gobolka Crimea ee ku yaalla Bariga dalka Ukraine iyo taageerada uu Ruushku siiyo Mucaaradka gooni-u-goosadka ah ee dawladda Ukraine kula dagaallamaya gobollada Bariga dalkeeda.