“Ciidankaas OPU waxa ay gaar u noqon doonaan Hay’addaha baadhaya Shidaalka iyo shaqaalahooda..” Warancadde

Hargeysa(Berberanews)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey Hawlaha Ciidanka ilaalinta Shirkaddaha Shidaal baadhista ee loo yaqaano OPU(Oil Protection Unit), oo beesha caalamku ka muujisay sas iyo baqe aan ujeedadiisu caddayn,

Wasiirka Waxa uu sheegay in Walaaca Dunidu ka qabto Amaan daro Ciidankani sababo ay tahay mid war la’aan iyo aqoon daro sababtay.“Ciidanka OPU Ee Hay’addaha caalamka iyo kuwa gudahuba qaylo dhaanta ka bixiyeen,waxaan odhan lahaa waa aqoon la’aan ka haysta ciidankaas Sababaha loo abuuray.Hadaan faah-faahin ka bixiyo ciidanka iyo ujeeda laga leeyahay, oo aan wali la abuurin waxa weeyaan in ay ka mid noqon doonaan ciidanka booliska iyo ciidanka qaranka.” Ayuu yidhi Wasiir Warancade

 

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inay Ciidankani noqonayaan Laan ka mid ah Ciidanka Booliska waxaanu yidhii “Ciidanka boolisku waxa uu leeyahay hogaamo,hogaamadaas waxa ka mid ah,Hogaanka baadhista danbiyada,Hogaanka RRU Iyo Hogaanka ka hortaga Argagaxisada,waxaana ay dhamaantooda ciidankaasi hoos yimaada taliska ciidanka booliska somaliland,waxaana masuul ka ah wasaaradda arrimaha gudaha somaliland”

Wasiirka Arimaha gudaha oo Hawlaha Ciidankan ka hadlayay waxa uu sheegay inaanay wax dhib ah keenayn “Ciidankaas OPU waxa ay gaar u noqon doonaan Hay’addaha baadhaya Shidaalka iyo shaqaalahooda ka hawl galaya soo saarista shidaalka.waxa ay ciidankaasi noqon doonaan ciidan si gaar ah u tababaran oo hanan kara hawlaha ay qarankan u qaban doonaan,mana ah ciidan kani mid loogu talo galay inuu amaan daro ka abuuro Hawlaha loogu talo galay,Sida ay ku andacoonayaan Hay’adduhu iyo shaqsiyaadka ka falooda arrimaha geeska Africa,waxaanan arinkaas ay sheegayaan u arkaa xog la’aan ka haysata arrimahaas ay ka faloodeen.” Ayuu warancade yidhi.

Qaramada midoobay ayaa dhawr jeer ka hadashay Walaaca ay ka qabto Ciidankan oo la filayo in Somaliland hawl galiso dhamaadka sanadkan. Dadka ka walaacsan Ciidankan ayaa sheegaya inay ka hawl galayaan dhulka Gobolka SOOL iyo SANAAG oo muran ka taagan yahay, kaasi oo u dhexeeya Somaliland iyo Puntland iyo sidoo kale Somalia oo aan Ogolayn in Somaliland Shidaal soo saaris samayso. waxay sheegayaan in Ciidankani xaalado nabad galyo daro ka abuuri karo geeska Africa.

Berberanews,com

info@berberanews.com