Ciiddamadda RRU-da Oo Hawl-gal Ay Hargeysa Ka Sameeyeen Ku Xidhay Laba Qof

Hargeysa (Berbera news) Ciidamada RRu-da ayaa haw-gal ay saaka ka sameeyeen Magaalda Hargeysa waxay ku soo qabteen laba qof oo ay xabsiga u taxaabeen.
 
 
Ciidamada RRU0-da ayaa ayaa labada Nin ee ay soo qabteen mid ka mid ah ka soo qabtay Suuqa Hoose ee Hargeysa, halkaas oo uu ka shaqayn Jiray Hotel, Waxaana la sheegay inuu seexan jiray Masaajid u dhaw Hotelka uu ka shaqayn jiray hore-na Waxa la sheegay in loogu Xidhay Puntland mar uu ka yimd dhinaca Koonfurta Somalia, isagoo looga shakiyey Falal Arga- gixiso nimo, halka Ka kalena ay ka soo qabteen Aga-gaarka Schoolka Axmed Guray Halkaasi oo ku lahaa meel Internet ah iyo Madarasad Masaajid isla goobtaasi ka agdhawna wuxuu ka ahaa Imaam, waxaana la sheegay inay Ciidamada Sirdoonku in mudo ah ku daba jireen Dhaq dhaqaaqa Labadaasi Nin.
 
 
Ciidamadda RRU-dan ayaa si gaar ah ugu tababaran la dagaalanka Argagixisadda, waxaanay inta badan sameeyaan hawl-galo ay dad ku soo xidh-xidhaan.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa