Raysal-wasaaraha Somalia Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiirkii Caafimaadka

Muqdisho (Berbera news) Ra’iisul wasaaraha Soomaaliyan Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii hore ee caafimaadka Xukuumadda Somalia Gen. Axmed Maxamed Maxamuud isagoo xilkaas u magacaabay wasiir cusub.
 
Cabdiweli Sheekh ayaa xilka wasiirka caafimaadka u magacaabay, Cali Maxamed Maxamuud, waxaana mas’uulkan uu hore xilal kala duwan uga soo qabtay dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray.
 
 
Wasiirkii xilka laga qaaday iyo wasiirka cusub ayaa la sheegay inay isku hayb yihiin, iyadoo aan la ogeyn sababaha rasmiga ah ee keenay in xilka laga qaado.
 
Sidoo kale, wasiirka loo magacaabay xilka wasaaradda caafimaadka ayaa hore u soo noqday wasiirkii dalxiiska iyo duur-joogta, wasiir-u-dowlihii wasaaradda gaashaandhigga iyo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
 
Xil ka qaadista wasiirkii hore ee caafimaadka iyo magacaabidda wasiirka cusub ayaa lagu sheegay inay tahay mid lagu dar-dar-gelinayo howlaha xukuumadda ee dhinaca caafimaadka.
 
Warar hoose ayaa sheegaya in wasiirkii hore ee caafimaadka xilka looga qaaday xaalado caafimaad oo lasoo gudboonaaday, balse weli dowladdu arrintaas kama aysan hadlin.
 
 
Isbedelkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed uu ku sameeyo golihiisa wasiirrada tan iyo markii xilka loo magacaabay.
 
Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ahaa wasiirkii Amniga Qaranka ayaa xila iska casilay bishii May ee Sanadkan, kaddib weerarro is-daba-joog ahaa oo Al-shabaaba ay ku qaaday Baarlamaanka iyo goobo kale oo ka tiran Muqdisho, iyadoo xilkaas loo magacaabay xilli dambe Khaliif Axmed Ereg hore u soo noqday Taliyaha Sirdoonka Gobolka Banaadir.
 
 
Berbera news/Hargeysa.