Wasiirka Arrimaha Guddaha Oo Faa-faahin Ka Bixiyay Ciidamdda Ilaalin-doona Shirkaddaha Shiddaalka Baadhaya

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa faah-faahin ka bixiyey ciidan gaar ah oo loogu tallogalay inay ilaaliyaan shirkadaha shiidaalka qodayo oo siyaabo kala duwan looga hadlay.
 
 
 
Ciidankan u gaar ah shirkadaha Shiidaalka ayaa warbixino kala duwan oo laga qoray sheegayaan inay abuurayaan khalkhal nabadgalyo gobolka ah, haseyeeshee wasiirku waxa uu xusay in aanay wax nabadgalyo daro ah abuureen, isla markaana dalalka jaarka ay nabadgalyo ku wada noolaanayaan.
 
 
 
“Ciidamada waxa laga bixiyey tafaaf-siir badan oo xaqiiqda ku fadhiyin, ciidankan waxa la yidhaa OPU waana ciidan loogu tallogallay inay ilaaliyaan shirkadaha shiidaalka qodaya iyo qalabkoodda”ayuu yidhi wasiirka Arrimah Gudaha Cali Waran-cadde oo faahfaahin ka bixinayey ciidamadaasi.
 
 
 
Wasiirka ayaa sheegay in ciidankani yihiin kuwii caadiga ahaa ee Booliska oo tobabar casri ah la siinayo, waxaanu yidhi “Ciidamaddu waa ciidamaddii caadig ahaa ee dalku leeyahay oo qayb ka mid ah tobabar la siinayo, ciidan cusub ma jiro waa ciidankii booliska ahaa oo tobabar casriya la siinayo”.
 
 
 
Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in la sameeyey Baasaboor casri ah oo Somaliland loo sameeyey, isla markaana ay dalal badan ku talo jiraan inay aqoonsadaan passporkodda.
 
 
 
Waaa kaloo uu sheegay in dalka laga bilaabayo diiwaangelintii madaniga oo muwaadiniinta loo samaynayo, isagoo xusay in ay qalabkii intiisii hore soo gaadheen, isla markaana loo baahan yahay in qof kasta qaato aqoonsiga muwaadinimo ee Somaliland.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.