Daawo: Xisbiyadda Mucaaridka Iyo Maddasha Oo Ku Dhawaaqay In La Soo Dhisi-doono Dawladd Ku Meel Gaadh Ah Oo Dalka Doorashooyin Gaadhsiisa

Hargeysa (Berbera news) Kulan ay maanta Magaaladda Hargeysa ku yeesheen  Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland iyo Xubnaha Maddasha Tashiga waxay isla  qaateen Qodobo ay  ka mid yihiin in haddii ay dib u dhacaan Doorashooyinku in 26 Bisha June ee  Sanadkan la soo dhisi-doono Xukuumadda Ku Meel gaadh ah oo sidday sheegeen Somaliland ka qabata Doorashooyin.
 
 
Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali rayte oo ka mid  Mudanayasha Xisbiga Mucaaridka WADDANi ugu jira Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay Go’aamaddan la isla qaatay.
 
 
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga WADDANI iyo Maxamed Xaashi Cilmo oo ka tirsan Madasha wadda-tashiga ayaa sheegay in aanay aqbali-doonin Muddo Kordhin loo sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaany.
 
 
Xisbiyadda Mucaaridka ayaa hore ugu baaqay in Doorashaddu aanay  dib uga dhicin wakhtiga loo cayimau, iyaga oo sheegay in aanay aqbalayn muddo kordhin Golaha Guurtiddu ay  sameyaan Xukuumadda Somaliland.
 
 
 
 
Halkan ka Daawo.

 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa