“Dawladd Wakhtigeedu Dhamaaddo, Saacad Loogu Diri-maayo” Guddoomiyaha Xisbiga UCID

Hargeysa  (Berbera news) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in haddii Xukuumaddaha uu wakhtigooddu dhamaaday aanay suurto-gala ahayn in muddo kordhin loo sameeyo.
 
 
 
Guddoomiyaha oo hadalkan ka jeediyay Kulan ay maanta Xisbiyadda Mucaaridka iyo Maddasha waddatashiga ay iskula qaateen qodobo ay ka mid yihiin in haddii Doorashadu wakhtigeedda dhaafto in 26 bisha June dalka laga sameeyo Dawalad ku meel-gaadh ah oo Somaliland ka qabata Doorashooyin.
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa  “Meeshan laba doorasho-na way ina sugayaan Abaabulna kama socdo iyo wax xil kas ah oo xil iska saarayaa. Waxana weeye wax la iska bartay in inta la iska seexdo oo Hawshii qaranka la gudan waayo, haddana abaal gud la isku siiyo muddo kordhis. Waxaanu doonaynaa in taas la soo aff-jaraa, Dastuurka la ixtiraamaa, Qaynuunka la ixtiraamaa.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
 
 
 
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi  “Ixtiraamkii iyo Dulqaadkii wuu dhamaaday, cid sharci u leh ma jirto inay meesha sii fadhido iyadoo sharcigeedu dhamaaday. Waad Ogtihiin 2009-kii Dawladdii Rayaale, wakhtigeedii markuu dhamaaday murankii la galay ee aanu in-yar u jirsanay Annaga iyo KULMIYE inaanu Dawlad ku magacawno, halkiibay maanta taagan tahay.
 
 
 
Waxaanu intas ku daray  “Waxa la samaynayaa Dawlad ku meel gaadh ah oo loo dhan yahay, oo Dadku u wada Siman yahay.Dawladda wakhtigeedu dhamaado Saacad loogu dari maayo, Golaha wakiilada Saacad loogu dari maayo, hadday fadhiyaan oo Gole bilaa Sharci ahi u kordhiyey laba jeer loo kordhiyey, mar saddexaadkii bay gadhka u Xoq-xoqanayaan, taasina wax dhacaysa maaha, waxa weeye Qudhaanjo ku quusa Cid dambe oo Bilaa sharci ku fadhiyaysaa ma jirayso” Ayuu yidhi Faysal.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.