Uhuru Kenyatta Oo Shuruud Ku Xidhay Ka Bixitaanka Ciidamadda Kenya Ee Ku Sugan Somalia

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in haddii ay ciidamadooda kala soo baxaan Soomaaliya ay sii wadayso Al-shabaab falalka dilalka iyo qarxyada isugu jira ee ay Kenya ka geysanayso.
 
 
Kenyatta ayaa hadalkan sheegay isagoo jawaabayay baaq horay uga soo baxay mucaaradka dalkaa oo ahaa in Kenya ay ciidamadeeda kala soo baxdo gudaha Somalia si Al-shabaab ay weerarrada u joojiso.
 
 
“Haddii maanta ay ciidamadayada  kala soo baxo Soomaaliya maxaa damaanad ah oo aan haysataa. Mana siin kartaa wax damanaqad ah afartanka milyan ee Keenyaanka ah ee dalkan ku nool? Ma sameynayo  mana yeelnayno in aan ciidamadeenna kasoo saarno Soomaaliya,” ayuu yidhi Uhuru Kenyatta.
 
 
Sidoo kale, madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in ciidamadooda ay ka soo bixi doonaan Soomaaliya markii ay xasillooni hesho Somalia, ayna dowladdu awood u yeelato inay ilalaiso dhulkeeda iyo dadkeeda.
 
 
Madaxweynaha dalka Kenya ayaa hore u sheegay in ciidamadoodu ay aysan kala soo bixi doonin Soomaaliya, isagoo ku hanjabay inay xoojinayaan dagaalka ay Al-shabaab xilligan kula jiraan.
 
 
Ciidamada Kenya ayaa dhamaadkii sannadkii 2011-dii soo galay Soomaaliya, xilligaas oo ay sheegeen inay ka hortagaan falal ammaan-darro oo Kenya ka dhacay, kuwaasoo ay ku eedeeyeen Al-shabaab.
 
 
Si kastaba ha ahaatee ciidamada Kenya ayaa xilli dambe ku biiray hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxaanay ka haw-lgalaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, iyagoo maanta-na sheegay inay u diyaar-garoobeen haw-gallo ka dhan ah Al-shabaab.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa