Erdogan Oo Ku Guulaystay Doorashada Madaxtinimo Dalka Turkiga

(Berbera news) Guddida Sare ee Doorashada Turkiga ayaa sheegay in Ra’isal Wasaaraha wakhtigiisu dhamaaday ee Turkiga Recep Tayyip Erdogan, mar kale ku guulaystay Doorashada Axaddii ka dhacday Dalkaasi. Waxay guddidu sheegtay in badi Codadka Doorashada oo la tiriyay uu Erdogan helay Boqolkiiba in ka badan Konton(50%), taasi oo ka badbaadinaysa inuu wareeg dambe galo.  
 
Doorashadan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee si toos ah dadku u soo dooranayo Madaxweyne, halka markii hore uu soo dooran jiray Baarlamaanku. Codadka la tiriyay ayuu Xalay helay Erdogan 52%, Musharaxa labaad ee Mucaaradka   Ekmeleddin Ihsanogle uu helay 38% iyo 10% uu helay Selahattin Demirtas.  
 
 
 
Guddida Madaxa Banaan ee Doorashada ayaa maanta la filayaa inay natiijada kama dambeysta ah ee Doorashada ay ku dhawaaqdo, iyagoo sheegay in Codadka Ansaxa ah la tiriyay 99%.    
 
 
Berbera news/Hargeysa