Jaamac Shabeel Oo Qodobo Sharci Daliil Uga Dhigay Saluuga Ay Mucaaridku Ka  Qabaan Doorashada

Hargeysa (Berbera news)  Guddoomiyaha Golaha shexe ee Kulmiye  Jaamac Ismaaciil Cigge  (Shabeel )  ayaa sheegay in Masuuliyiinta Mucaaradku gaf iyo dabi ku galeen Qodobka 5-aad ee Go’aanada ay ku heeshiiyeen kaasi oo sheegaya in Dawlad wadaag ah la samayn doono haddii Xukumaddu doorasho qaban waydo.
 
 
 
 
“Qodobkani Saddex Layn ayuu ka kooban yahay, Saddexa Laynba Sharci darro uun maahee waxaa ku jira Dambi. Waxay yidhaahdeen “IN XUKUMADDU EEDA YEELAN DOONTO HADDII DOORASHADU WAKHTIGEEDII KU QABSOOMI WAYDO” idinkaan idin waydiiyay ee Qof Dawarsanayaa Ikhtiyaar ma leeyahay?, dee waynu dawarsanaa Doorashada Lacagta lagu qabanayo.mar Alle marka ay Lacaga Doorashada ina siiyaan qolyaha inaga Caawiya ee Nairobi fadhiya ayaynu Ikhtiyaar yeelanaynaa, waana Caddaalad darro in waxaan dhicin ay Eedeeda cid u sii xambaariyaan.” Ayuu yidhi Jaamac Shabeel
 
 
 
 
Jaamac Shabeel oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ Waxa kale oo ay yidhaahdeen “waxa waajib noqon doonta marka la gaadho 26 june 2015-ka in la dhiso Xukumad ku meel gaadh ah” Erayga ay isticmaaleen ee ah Waxa Waajib noqon doonta, isna waa Dambi, Awood aanay lahayn bay sheegteen. Horta yaa wax waajibiya?..laba Nin mid uunbaa wax waajibiya Illaahay ka sakow, Xeerka iyo  Dastuurku waxbuu waajibiyaa, Nin Awood badan oo Sidii Maxamed Siyaad Barre ahina waxbuu waajibiyaa, Nin kale oo wax waajibin karaa ma jiro. Waxa waajib noqon doonta ayay leeyihiin, waxba Waajib noqon maayaan ayaanu leenahay, waana Sharci Daro waana Hanjabaad”
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa