doorashooyinkana dawladdu inay ka go’an tahay oo doorasho qabato weeye.” Sammaale

Hargeysa(Berberanews)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa diyaarisay kharashka dhinacooda ku hagaagay hawlaha qabsoomidda diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka u muddaysan sannadka 2015.

Samaale iyo wakiillada

Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo kulan la yeeshay Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada maanta, ayaa sheegay in miisaaniyadda 2015 lagu daray lacag dhan $3 milyan doollar oo xukuumaddu u qoondaysay hawsha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, sidoo kalena miisaaniyaddaas lagu daray kharashka lagu qabanayo doorashooyinka madaxtooyada iyo Wakiillada oo la filayo inay dalka ka qabsoomaan badhtamaha sannadka soo socda.

“Waxaannu ka wadahalnay odoroska miisaaniyadda ee sannadka 2015, mudnaanta iyo muhiimadda Wasaaradda Maaliyadda ee miisaaniyadda 2015 inay tahay sannad doorasho, markaa miisaaniyaddaas waxa aannu gelinnay kharashka diiwaangelinta codbixiyeyaasha, dhanka kalena Guddida Dhaqaalaha waxa aannu wada-tashi ka leenahay miisaaniyadda 2015, waxyaabaha kale ee soo geli doona iyo qaabka miisaaniyaddu noqon doonto.

 

Arrinta mudnaanta koowaad leh ee kharashkaasi waxay tahay in aannu miisaaniyadda ku darnay lacagta diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ay soo gudbiyeen Komishanka Doorashooyinku, kuna qiimeeyeen lacag dhan $3 milyan doollar oo ah lacagta dawladda laga rabo, waxaanan gelinnay miisaaniyadda 2015. Sidoo kale, labada doorasho ee Madaxweynaha iyo Wakiillada oo ku muddaysan 2015-ka ayaannu kharashkooda oo Guddida Doorashooyinku soo gudbiyeen ku darnay miisaaniyadda,” ayuu yidhi Md. Samaale.

Waxa kaloo uu tibaaxay in kharashka xukuumaddu ku dartay miisaaniyaddu caddaynayso inay diyaar u yihiin in doorashooyinku dhacaan, waxaannu yidhi; “Si looga wada socdo wararka aan saxda ahayn ee mararka qaarkood doorasho ma dhacayso dad odhanayaan. Runtii waxay noqonaysaa miisaaniyaddii miyaa lagu daray, mise laguma darin? Horta doorashooyinka haddaan lagu darin waxay noqonaysaa inaan doorasho la qabanayn, haddii se ay miisaaniyadda ku jirto, doorashooyinkana dawladdu inay ka go’an tahay oo doorasho qabato weeye.”

ina sanwayne

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Md.  Cumar Axmed Saleebaan (Sanweyne) oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay aad ugu mahadnaqayaan Wasiirka Maaliyadda iyo hawlwadeennada wasaaraddiisa, isagoo xusay inay gole ahaan ku dedaali doonaan ansixinta miisaaniyad xambaarsan kharashka arrimaha doorashooyinka.

“Waxa muhiimka ah ee wasiirku noo sheegay waxa weeye in lacagta doorashooyinka madaxweynaha iyo wakiilladu ku jirto odoroska miisaaniyadda 2015. Waxa kaloo ku jirta lacagtii diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo dadweynaha ee maddaniga ah. Intaasiba miisaaniyadda sannadka 2015 ayey ku jiraan, annaguna waxaannu ku dedaalaynaa in aanay habsaamin doorashooyinka 2015-ka, waayo hadal badan ayaa ka jira, laakiin masuuliyadda naga saaran waxa weeye inaannu lacagta miisaaniyaddana ansixinno, shuruucdeedana ansixinno labadiina miiska ayey saaran yihiin,” ayuu yidhi xildhibaan Sanweyne.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa u muuqata mid ay ka go’an tahay in doorashooyinku ku qabsoomaan xilliga loogu talogalay, isla markaana diyaarisay waxyaabaha hawlaha doorashooyinka khuseeya ee dhankeeda ku xidhan.