Madaxda Afrika oo go’aansaday in 10 sano ka dib la dabarjaro gaajada iyo macaluusha

Addis Ababa-(Berberanews)–Hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika, ayaa isku raacay in gaajada iyo macaluusha laga dabar gooyo qaaraddooda marka la gaadho 2025, isla markaana kala badh hoos loo dhigo faqiirnimada dadyowga Afrikaanka isla sannadkaas.

madaxda Afrika

Warsaxaafadeed ka soo baxay Komishanka Midowga Afrika (African Union Commission (AUC) shalay ooJamhuuriya helay nuqul ka mid ah, waxa lagu caddeeyey in kulankii guud ee madaxda qaaradda Afrika magaalada Addis Ababa ku yeesheen bishii la soo dhaafay lagu go’aansaday in wax-soo-saarka dhinaca beeraha mudnaanta koowaad laga siiyo qorshayaasha horumarkooda si isku filnaansho dhinaca cuntada ah loo gaadho, loogana baxo gaajada iyo macaluusha, kala badhna hoos loo dhigo faqiirnimada.

 

Sida warsaxaafadeedka lagu sheegay, waxa madaxda Afrika ku heshiiyeen toddoba qoddob oo ay ugu horreeyaan horumarka wax-soo-saarka beeraha, kobcinta maalgashiga dadweyne iyo dawladeed ee beeraha, dabar-goynta gaajada qaaradda sannadka 2025¸ hoos-u-dhigidda kala badh faqiirnimada, iyadoo laga faa’iidaysanayo wax-soo-saarka beeraha, sare u qaadida ganacsiga wax-soo-saarka beeraha ee Afrika iyo adeegyada lagu horumarinayo.

Waxa kaloo madaxda Afrika shirkooda ku muujiyeen sida ay uga go’an tahay inay la shiryimaadaan qorshayaal lagu dejinayo waxyaabaha muhiimadda ugu sarraysa leh ee wax laga qabanayo, iyagoo sidoo kale dejiyey istaraatijiyado iyo bartilaameedyo la xidhiidha dhinacyada horumarinta wax-soo-saarka beeraha si loo gaadho, loona helo cunto iyo nafaqayn barwaaqo u horseeda dadweynaha Afrika.

gaajada afrika

Warsaxaafadeedka ayaa lagu iftiimiyey in la dejinayo hannaan iyo istaraatijiyad lagula xisaabtamayo dalalka iyo madaxda Afrika si looga midho-dhaliyo hindiseyaasha lagula dagaallamayo faqiirnimada, gaajada iyo macaluusha, loona helo natiijo lagu farxo marka la gaadho sannadka 2025 oo hadda ka hadhsan yihiin 11 sanno.

Dalalka ku yaal qaaradda Afrika, ayaa lagu tilmaamay inay yihiin kuwa ugu dambeeya dhinaca horumarka nolosha bulshada ee caalamka iyadoo dadweynaha Afrikaanka intooda badan u dhintaan macaluul, gaajo iyo cudduro kala duwan oo ay horseed u tahay faqiirnimo, balse qorshayaasha hadda la dejiyey ayaa lagu doonayaa in 11 sanno kadib lagu yareeyo gaajada haddii Ilaahay (SWT) qadaro.

C