Daawo: Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Ganacsiga, Horumarinta Denmark Iyo Qodobaddii Lagaga Hadlay

Hargeysa (Berbera news) Xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Denmark waxay isla-qaateen in la kordhiyo Mashaariicdda Horumarineed ee ku jira Sanduuqa loo yaqaano Somaliland Development ama Sanduuqa Horumarka Somaliland, waxaana sidaasi lagu sheegay kulan ay Maanta Madaxtooyadda ku yeesheen Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta Mogan Yensan oo shalay isaga iyo Wafti u hogaaminayo ay safar ku yimaadeen Magaalada Hargeysa.
 
 
Wasiirka Arirmaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis ayaa sharaxay qaabka ay Dawlada Denmark u kordhisay Mashaariicdda ku jira Sanduuqa Horumarinta Somaliland.
 
 
Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta Denmark Mr Yensan waxa uu sheegay inay Madaxweynaha Somaliland ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihin inay Somaliland kala shaqaynayaan Qabsoomidda Doorashooyinka lagu wadday inay Somaliland ka qabsoonto sanadka soo socda iyo ilaalinta Madaxbanaanidda Saxaafadda.
 
 
 
Dawladda Denmark ayaa ka mid ah Wadmaadda Somaliland ka taageera dhinacyadda Horumarinta, Doorashooyinka iyo Dimuquraadiyadda.
 
 
 
Halkan ka Daawo.

 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa