Daawo: Xukuumadda Oo Shaacisay In Si Rasmi Ah Loo Furay Xuduudka U Dhexeeya Somaliland Iyo Itoobiya

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis waxa uu sheegay in Itoobiya ay si rasmi ah u furtay xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo xidhnaa muddo ku siman laba Bilood.
 
 
 
Wasiirka oo maanta salaasa ah Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa waxa uu sheegay in furitaanka Xuduudkan lagu xidhay Shuruuddo ay ka mid yihiin in Faro laga qaado Dadka iskaga gudbaya xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.
 
 
 
Xukuumadda Somaliland ayaa hore u u sheegtay in xuduudkan loo xidhay arrimo ku saabsan dhinaca amaanka.
 
 
 
 
Halkan ka daawo.

 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.