Xukuumadda Oo Sheegtay In La Furay Xuduudka U Dhexeeya Somaliland Iyo Itoobiya Iyo Shuruuddo Lagu Xidhay

Hargeysa (Berbera news) WasiirkaArimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in Xuduudka Somaliland iyo Ethiopia maanta si rasmi ah loo furay. Waxa uu sheegay in Ethiopia Maanta ku soo war galisay inay furtay Xuduudka si caadi ahna la iskaga gudbi karo Somaliland iyo Ethiopia xaduudka u dhexeeya.
 
 
 
Waxaana haladiisi ka mid ahaa  “Waxaan doonayaa inaan maanta idiin sheego inaanu la xidhiidhnay Dawladda iyo Safaaradda Ethiopia oo aniga iyo Cali Warancadde si aada uga hawl0galay, maantana ay noo caddeeyeen in Safaradii marayay Tog-wajaale iyo dadkii tagayay loo furay, sidaad Ogtihiin dadka Ethiopia tagaya ee Diyaaradda raacaya ama Caafimaad iyo arimo kale u tagaya way baxayeen oo dhibaato badani ma taagnayn, haseyeeshee Safarradii marayay Tog-wajaale iyo Xuduuda oo marka hore dhibaato ka yara taagnayd waxay maanta noo sheegeen in si buuxda ay Dadka iyo gaadiidkuba u marayaan laakiin, ay ku soo kordhiyeen in dadka Faraha laga qaado. Markaa farahaas ayaa la iska qaadayaa waana in dadka tagaya ee Fiisaha ka doonayaa ay Ogolaadaan Faraha la iska qaadayo oo ay kala shaqeeyaan Ethiopia, haseyeeshee wax dhibaato ah oo dalka ka taagan ma jirto” ayuu yidhi Wasiirka Arimaha dibada Somaliland.
 
 
 
 
Dawladda Ethiopia ayaa Xuduudka Xidhay Bilihii la soo dhaafay sababo amaan awgeed ka dib markii Jabuuti Qaraxa ka dhacay Bishii may ee sanadkan, iyadda oo Xukuumadda-nu ay sheegtay in loo xidhay arrimo ku saabsan dhinaca amaanka.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa