Cali Khaliif Galaydh Oo Loo Doortay Madaxweynaha Khaatumo

Hargeysa (Berbera news) Maleeshiyadda Khaatumo ee shirku uga socday Saax-dheer ayaa maanta u doortay Cali Khaliif Madaxweyne, halka ay Maxamuud Cali Haybe (Caglule) uga doorteen Madaxweyne ku-xigeen.
 
Cali Khaliif waxa uu kaga Guulaystay jagada Madaxtinimada Khaato Madaxweynihii hore ee maleeshiyadaasi Indhasheel kaasoo uu kaga Guulaystay 21 Cod, halka uu Indhosheel ka helay 9 Cod.
 
Madaxweyne ku-xigeenka loo doortay khaatumo ayaa ku Guulaystay 19 Cod, halka Ninka la tartamayey uu helay 12, waxaana isla goobtii lagu dhaariyey labada nine e ku kala guulaystay Madaxtinimada Maleeshiyadaasi.
 
Hore waxay u doorteen Baarlamaan kaasoo saaka Cod ku kala saaray musharaxiinta ku Loolamaysay labadaas Kursi.
 
Doorashada Khaatumo oo warbaahinta Toos looga sii daynayey ayaa sababtay in mar kali ah Deegaanada laga taageero laga soo dhaweeyo iyadoo Damaashaad meelaha qaarkood banaanada loogu soo baxay.
 
Magaaladda Laascaanood oo kooxdani ka dhigatay magaalo madaxda isla markaana ay banaanka ka joogaan ayaa Taageero weyn looga muujiyey, waxaanay dadweynuhu usoo baxeen banaanka iyada oo qaarkood hubaysnaayeen.
 
Xukuumadda Somaliland ooh ore dagaal ugu qaaday Kooxdan ayaa ka gaabsatay shirkooda in ay talaabo ka qaado, wallow ay ku hanjabtay in aan xuduudka Somaliland lagu qaban Karin shirk u lidi ah Xukuumadda Somaliland.
 
Tuhuno badan oo siyaasadeed ayaa soo baxaya kuwaas oo sheegaya in madaxda Somaliland lagu khasbay inaanay Saax-dheer weerarin, isla markaana waxa ay wararka qaarkood sheegayaan in ay Golaha wasiiraddu ku kala af-kaar duwanaadeen.
 
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Xidhiidh dhinaca isgaadhsiinta ay wada yeesheen madaxda Khaatumo iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda Somaliland, isla markaana ay isla qaateen in lagu amaan galiyo halka ay shirka ku hayeen.
 
Si kasta ha ahaateewaxa la sugaa waa talaabada xigta ee ay qaadaan Maleeshiyada Khaatumo iyo jawaabta Somaliland.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa