Maamulka Haamaha Shidaalka Berbera Oo Ka Hadlay Sababaha Keenay Kor-U-Kaca Ku Yimid Qiimaha Baatroolka

Hargeysa (Berbera news) Qiimaha batroolka lagaga iibiyo suuqyada magaalooyinka Somaliland, ayaa kor-u-kac ku yimi toddobaadkii u dambeeyey, kaas oo meelaha qaarkood saamayn ku yeeshay hab-nololeedka bulshada.
 
 
 
Kor-u-kaca qiimaha batroolka oo laga dareemay dalka oo dhan, ayaa sare u kacay qiyaas ahaa 8 ilaa 10% (boqolkiiba siddeed ilaa toban) marka loo eego qiimihii hore oo tusaale ahaan toban litir ee hore loogu iibin jiray 68,000 SLSh (lixdan iyo siddeed kun) ama 10 dollar, waxa hadda uu marayaa 76,000 SLSH, halka kaalmaha shidaalka qaarkood ku iibinayaan ilaa 80,000 SLSH.
 
 
 
bararka batroolka oo la sheegay inay keentay kala go’ ku yimi shidaalka shirkaduhu dalka keenaan oo yaraaday, ayaa saamayn ku yeeshay hab-nololeedka bulshada sida magaalada Berbera oo uu kor u kacay qiimaha lagu raaco gaadiidka yaryar ee loo kala raaco xaafadaha magaalooyinka ee loo yaqaan Tika-tika ama bajaajta oo lacagta ay dadka ku qaadaan ka dhigay 3000 SLSH (saddex kun), halka markii hore uu ahaa 2000 SLSH, taas oo culays ku kordhisay dadweynaha danyarta ah.
 
Haddaba, Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera Mr. Saleebaan Siciid Cali oo waraysi gaar ah Jamhuuriya khadka telefoonka ku siiyey shalay, ayaa sheegay in kor-u-kaca qiimaha shidaalka ay sababtay kala go’ yareeyey keenistiisa, waxaannu yidhi, “Shidaal dalka wuu yaal, laakiin batroolkii shirkaduhu keenayeen ayaa yaraaday oo dhawrkii toddobaad ee u dambeeyey waxa yimi markab keliya. Shidaalka waxa inoo keena shirkado gaar loo leeyahay oo dawladdu shidaal ma keento, markaa shirkadaha wax baa ka yar xannibmay oo halkii ay ka soo raran jireen iyo siday u soo raran jireen ayuu arrin kaga yimi, laakiin imminka shidaalkii waa la helay oo maraakiibtii way ku maqan tahay, annaguna shirkadaha shidaalka keena shir baannu la yeelanaynaa maalinta Jimcaha isha Allaah.”
 
Maareeyaha oo la waydiiyey sababaha kaalmuhu kor ugu qaadeen qiimaha shidaalka ay ku iibiyaan oo ah kii hore u yaallay, waxa uu ku jawaabay, “Horta ganacsiga waad taqaanaa oo sicirku meel fadhiyo oo sidaa sarrifka lacagta doollarku isku bedbeddelayso ee aannu isku midka u ahayn shalay iyo maanta ayuun buu shidaalkuna la mid yahay. Ta kale, annagu sicirka ma jarno oo shuuciyad ma nihin ee suuqeennu waa xor, taas ayaana keenaysa marka badeecaddu yaraato in ganacsaduhu ku fikiro inuu ka faa’iidayso fursadda oo qiimaha wax ku daro.
 
Annagu waannu haynaa batrool, waanuna tashiilnay oo waannu koobaynaa si aannu u dhammaan ilaa inta batroolka kale naga soo gaadhayo oo maraakiibtu imanayso. Maalintii ilaa 3 kun oo litir ama ilaa toban booyadood oo batrool ah ayaa laga qaadaa haamaha.”
 
Dhinaca kale, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dawladda Imaaraadka Carabtu joojisay goobo dalkeeda ka mid ah oo lagu ururin jiray shidaal ay ka iibsan jireen shirkadaha shidaalka keena Somaliland, taasina tahay sababta shirkaduhu u waayeen.
 
“Batroolka markii hore waxaynu ka soo iibsan jirnay niman ganacsato ah oo shidaal ururis ah oo laga keeno waddamada Carabta sida Ciraaq iyo Iraan oo ku ku ururin jiray deked yar oo ku taal Imaraadka Carabta, kadibna waxa la xidhxidhay niman Carab iyo Soomaali ah oo halkaa ku wada shaqaysan jiray, dekeddii yarayd ee ay ka soo dhoofin jireenna waa la xidhay, markaa halkaas ayaa qiimaha sare u kacay ee shidaalka ka yimi.” Sidaa waxa yidhi Maxamed Sugulle Axmed oo ah mulkiilaha kaalinta shidaalka Tawakal ee magaalada Hargeysa oo u warramay shabakadda wararka ee Gobanimonews.
 
Haseyeeshee, arrintaasi oo wax laga waydiiyey Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera, waxa uu yidhi, “Kolley shidaalku darajooyin ayuu kala leeyahay. Shidaalka shirkaduhu inoo keenaan maaha mid xun ee waa mid wanaagsan, laakiin halka ay ka keenaan, siday ku keenaan iyo waxa ka xayiran ayaa jawaabteeda leh. Annagu waxaannu leenahay in aannu hubinno tayada shidaalka la inoo keeno uu noqdo mid qaranka anfaca, shirkaduhuna batrool iyo naafto tayadoodu fiican tahay ayey dalka keenaan. Haddii aan shidaalkeenna tayadiisu fiicnayn gaadiidka iyo mashiinnada aynu ku isticmaalno ayaan inoo shaqeeyeen ee xumaan lahaa.”
 
Waxa kaloo uu xusay inay dhawaan hirgelin doonaan qalabka baadhitaanka tayada shidaalka oo hore u jirin, “Waxaannu iminka qorshihiisa ku jirnaa in halkan (Berbera) ka samayno laabkii lagu baadhayey tayada shidaalka Isha Allaahu, halkii markii hore shidaalka lagaga soo baadhi jiray laabka Jabuuti ee marna dekedda laga soo rarayey iyo in shahaadadii lala yimaad oo qaabka aynnu hadda isticmaalno ah,” ayuu yidhi Mr. Saleebaan Siciid.
 
Ugu dambayn, Maareeye Saleebaan oo la su’aalay dawlad ahaan waxa uga meel yaal haddii kala go’a batroolku sii socoto iyo xaddiga shidaal ee ay dalka u hayaan, waxa uu ku jawaabay, “Horta ma filayno in shidaal yaraan sii soconayso, laakiin hadday dhacdo wixii qaranku ka maarmi waayo ayaa imanaysa, waxna way nooga meel yaallaan duruufteeda, diyaargarowgeeda iyo sidii loo xallin lahaaba qaranku diyaar buu u yahay.
 
Arrinta xaddiga shidaalku waa wax inoo sir ah laakiin shidaalka aannu haynaa wuu ku filanyahay qaranka,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera.
 
 
Berbera news/Hargeysa