“Aniga Reer Somaliland Waa Ii Beel-qudha” Guddoomiyaha Xisbiga UCID

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCUD Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aanay Bulshadda Somaliland u kala socnayn, waxaanu sidaasi ku sheegay munaasibad ay Taageerayaal cusub oo ka tirsanaa Xisbiga taladda haya ee KULMIYE ay ku biireen Xisbiga UCID.
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Aniga reer Somaliland waa ii beel qudha,markaa beel idin ku sheegi maayee,waxaan leeyahay dagmada fara-weyne oo aan idin ku sheegi,dee horta waanu idin sugaynay oo aanu idin saadalinaynay ee ILAAHAY ma idin keenay,waxaanan ILAAHAY ugu mahad naqayaa waxaad tihiin ileyn wanaaga waa loo dheereeyaayoo dadkii u soo horeeyey ayaad tihii”
 
 
 
Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu intaas ku daray “Xisbigan UCID markii aanu samaynay 2001-dii ee aanu u bixinay Ururka cadaalada iyo daryeelka,Kalmad caqiibo leh ayaa Illaahay meesha ka soo saaray oo ah UCID Somaliland yaa u cid ah ,deedna waxaa ay noqotay UCID ayaa u cidaay,dhawr jeer oo Somaliland mugdi ay gashayna ILAAHAY cidb-aa uu uga soo dhigay,waxaanan ka saarnay mugdi oo waanu u soo gurmanay,waanan hambalyAy naynaa inan Dhakhtarka ah ee aad noo keenteen”.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa