Itoobiya Oo Shaqaale Caafimaad U Tababartay Ka Hor-taga Cudurka Ebola

Addis-Ababa (Berbera news) Wasaaradda caafimadka ee Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in shaqaale gaadhaya 200 oo ruux ay u tababartay ka hortagga iyo xakamaynta cudurka Ebola oo laga cabsi qabo in uu soo gaaro dalalka ku yaalla bariga Afrika.
 
 
 
“Dalkan kama jiro lagumana arag guud ahaan wax la xiriira cudurkan, balse ka hortagga ayaa wax kasta ka wanaagsan,“ ayuu yidhi madaxda xidhiidka dadweynaha ee wasaaradda caafimaadka Itoobiya Ahmed Imano oo la hadlay ENA.
 
 
 
Tababarka la siiyay shaqaalahan caafimaad ayaa socday muddo 15-cisho ah, iyadoo loo diyaariyay qaabkii ay ku garan lahaayeen calaamadaha ruuxa qaba cudurkan Ebola o si xowli ah ugu fidiyay dalal ku yaalla Afrika.
 
 
 
Wasaaradda caafimaadka Itoobiya ayaa sheegtay in qofka lagu garan karo in cudurkan uu qabo muddo u dhaxaysa 2 ilaa iyo 21-cisho, iyadoo guud ahaan dalka laga bilaabay wacyi galinno la sii-nayo bulshada rayidka ah oo la xiriirta khatartiisa.
 
 
 
Sidoo kale, waxaa la baaraya qof walba oo kasoo dagta garoonka Bole oo ah kan ugu caalamisan garoommada diyaaradaha Itoobiya looguna isticmaalka badan yahay, waxaana la hakiyay duulimaadyadii ka iman jiray dalalka lagu arkay xanuunkan.
 
 
 
Ugu danbayn, khasaaraha dhimasho ee ka dhalatay cudurka Ebola ayaa sii kordhaysay maalmihii la soo dhaafay ,waxaana tirada dhimashada ay gaartay 1400-ruux oo ka soo kala jeeda wadamada kala ah Sere leone, Liberia iyo waliba wadanka Ginue.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa