Xukuumadda Oo Ka Hadashay Mawqifkeedda Doorashada Madaxweynaha Khaatumo Ee Cali Khaliif

Hargeysa (Berbera news) Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglo-toosiye), ayaa si adag uga hadlay Doorashada Madaxweynaha Khaatumo ee Cali Khaliif Galayd loogu doortay Saax-dheer, waxaanu xaglo-toosiye ku tilmaamay arrintaas mid aan wax micno ah samayna doonin.
 
 
Waxaana hadalasiisii ka mid ahaa “Waxaan uga digayaa dadka ku nool deegaamada aan ka soo jeedo inaanay aqbalin waxa ay wataan Galaydh iyo Kooxdiisu”ayuu yidhi Xaglo-toosiye oo ka hadlayay Munaasibad lagu casuumay qurbo-joogta Somaliland ee Hargeysa ku sugan oo Madaxweynuhu ka qayb galay.
 
 
Xaglo-toosiye ayaa isagoo si cadho leh u hadlaya sii yidhi “Cali Khaliif waxaan u sheegayaa in waxaas uu wataa ka shaqayn doonin deegaamada aan ka soo jeedo , noqona doona sidii kii hore ee ka fashilmay”ayuu yidhi.
 
Wasiirka oo sii hadlayey ayaa sidoo kale digniin adag u diray Dawladda Soomaaliya iyo beesha Caalamka, kuwaasoo uu ugu baaqay inay joojiyaan faro gelinta ay ka wadaan deegaamada SSC.
 
“Dawladda Soomaaliya iyo cid kasta oo faro gelin ku haysa arrimaha Gobollada bari waxaan uga digayaa inay faraha kala baxaan. Waxaan maqlayay Wasiirro soomaaliya ah oo Hambalyeynayey Cali Khaliif, waxaan leeyahay joojiya faro-gelinta. Waxaana xaqiiq ah in dawladda Soomaaliya iyadoo wada hadalo u socdaan Somaliland inay hadana Mindi madaxa iyo cagaha ku jarayso dalka” ayuu yidhi.
 
 
Waxaanu ku doodday “aniga Somaliland cid iga sheegan karta iyo cid aan marti uga ahay toona ma jirto. Somaliland waa dalkaygii, laakiinse waxaan necebahay laba kelmadood oo ay inta badan dadku yidhaahdaan.
 
Arrinta koowaad waxay tahay, qaarbaa yidhaahda waxaasaa laydiin siiyay hadaad reer hebel tihiin. Waxaan leeyahay waxba imaad siin waxna ima siin kartid.
 
 
Arrinta kale, waxa weeye: deegaamadaa aan ka soo jeedo waxa jirta dood odhanaysa waxba nalooma ogola. “ waxaan leeyahay inta aad maqantahay waxba ma helaysid, Nin maqana wixiisa waxa qaata ka jooga”.ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye.
 
 
Halkan ka daawo.

 
 
Berbera news/Hargeysa