Arday wax ku bartay Hargeysa oo markii labaad ku qallinjebiyey xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa

 

Dufcaddii labaad ee Jaamacadda New Generation, Hargeysa iyo madax ka tirsan Dawladda Somaliland oo ka qaybgalay xaflad kulmisay qallinjabinta arday ka kala socda 23 dal oo Afrika ah

Addis Ababa (Berberanews)- Masuuliyiin sare oo ka kala tirsan golayaasha iyo xisbiyada Somaliland, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo xarunta Midowa Afrika ee Addis Ababa loogu sameeyey shalay arday ka kala socda ilaa 23 dal Afrikaan ah, Somaliland-na ku jirto oo ka qallinjebiyey faracyada Jaamacadda New Generation oo laga leeyahay waddanka Itoobiya.

Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), xubnana ka yihiin Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cali Siciid Raygal, Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiwaaxid Cabdiqaadir, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Faysal Cali Sheekh iyo Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa ka qaybgalay munaasibad aad u ballaadhan oo kulmisay qallinjebinta arday Afrikaan ah oo wax ka bartay faracyada Jaamacadda New Generation ku leedahay Addis Ababa iyo caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

DSC_0448 DSC_0127 DSC_0146 DSC_0460

Xafladda oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay oo ku qabsoontay xarunta ururka Midowga Afrika ee Addis Ababa, waxa kaloo ka qaybgalay masuuliyiin aad u tiro badan oo ka kala socday dalalka ay ka soo jeedaan arday Afrikaan ah ee qallinjebintu kulmisay iyo diblumaasiyiin caalamka ka kala socda, kuwaas oo khudbado kala duwan ka jeediyey munaasibaddaas oo madaxda Somaliland-na badheedhahooda ka dhiibteen.

Madaxawaynaha Jaamacaddaha New Generation Prof. Matiyus Gijili oo furitaankii xafladda qallinjebinta khudbad ka jeediyey, ayaa ka warramay waxbarshada kala duwan ee jaamacaddiisu bixiso iyo tayada ay leedahay, himillada iyo hiigsiga jaamacadda oo uu ku tilmaamay inay tahay soo-saaridda aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo madaxda qaaradda Afrika.

Sidoo kale, Mulkiilaha qaybta Hargeysa ee Jaamacadda New Generation Cabdicasiis Maxamed Yuusuf oo madasha ka hadlay, ayaa ka xog-warramay ardayda ka socota caasimadda Somaliland iyo culuunta kala duwan ee ay barteen, isagoo tibaaxay ujeedooyinka uu u aasaasay qaybtan oo uu sheegay inay ka shaqaynayaan isu soo dhawaanshaha labada dal iyo ummadood ee Itoobiya iyo Somaliland ee dhinacyada waxbarashada iyo siyaasadda. Waxaannu tibaaxay in qallinjebintani tahay dufcaddii labaad ee ka baxda jaamacadda New Generation qaybteeda Hargeysa oo si la mid ah ardayda kale ee faracyada jaamacadda ugu qallinjabiya xarunta Midowga Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo hadal ka jeediyey xafladdaasi, ayaa hambalyo iyo bogaadin uu u diray ardayda qallinjebisay kadib, waxa uu madaxda Afrikaanka iyo diblumaasiyiinta xafladda ka qaybgalay uga warramay Jamhuuriyadda Somalialnd.

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna sharraxaad ka bixinayey xidhiidhka ka dhexeeya saaxiibtinimo eek a dhexeeya dalalka Somaliland iyo Itoobiya iyo heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray oo uu sheegay inay ka soo wada shaqeeyaan madaxweynayaashii Somaliland soo maray iyo Ra’iisal-wasaarihii hore ee Itoobiya.

Wasiirka Dalxiiska iyo Dhaqanka dawladda Itoobiya iyo madax ka tirsan ururka Midowga Afrika oo iyaguna munaasibadda ka hadlay, ayaa erayo hambalyo iyo bogaadin ah u diray ardayda Afrikaanka ah ee ka qallinjebisay faracyada jaamacadda New Generation.

Ardayda wax ka bartay faraca Jaamacadda New Generation ee Hargeysa ayaa ah dufcaddii labaad ee xafladda qallinjabintooda kala qaybgala dhiggooda Afrikaanka ah oo lagu qabto sannad kasta xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.

Dhinaca kale, munaasibadda qallinjebinta ah kadib waxa ardayda reer Hargeysa, masuuliyiinta Somaliland, wasiirro xukuumadda Itoobiya ka tirsan iyo diblumaasiyiin ka tirsan ururka Midowga Afrika casuumad gaar ah loogu sameeyey huteelka Freindship oo ka mid ah huteellada ugu casrisan ee ku yaal magaalada Addis Ababa.