Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Iibisay Wajahad Masaajid Iyo Dareenadda Ku Xeeran

Hargeysa (Berbera news)  Wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland saleebaan Axmed Xagle toosiye ayaa saaka ku gacan saydhay dhulka afaafka hore ee wasaradda caafimaadka,oo uu duqa Caasimadu cid gaar ah ka iibiyey,sida ay ku doodeen dad goobtaasi keenay warqihii uu kaga iibiyey Maayir Soltelko,waxaana loo asteeyay sida aanu ku helayno xogaha in dhulkani noqdo goobo ganacsi oo ay mulkiyadeeda yeeshaan dad shacab ah sida kuwo goobtaasi la yimid waraaqihii lagagag iibiyey.
 

 
 
Wasiiir Xaglo-toosiye ayaa iskagu saaka ku gacansaydhay oo is hortaagay goobtan oo la doonayey in la seeso saaka sidoo kale waxa ku wehelinayey dadwayne shacab ah oo iyaguna ka godooday masaajid goobta ku yaala oo dhismahan la dhagax dhigayey uu jarayo albaabka laga galo,balse isla markiiba markii uu maayirku soo gaadhay meesha waxa afka jug isa siiyey isaga iyo maayirka waxana wax lagu heshiiyeyba uu markii dambe xaglo-taasiye ku tiraabay wax ka duwan wixii uu qabay isla wakhtigaasi daqiiqado ka hor,waxaana uu sheegay in uu raali ka yahay dhulkan waxa ay la damacsantahay Dawladda Hoose ee uu Soltelko hor kacayaa,taasi oo ay dad badan oo goob joog ahaa wax iska waydiiyeen waxa loogu ballan qaaday ee durba badashay,iyada oo ay warar kale ay sheegayaan in wasiirka xaga sare ee madaxtooyda laga soo amray in uu dhulkaasi faraha ka qaado,ama in  si kale wasiirka loo fardaamiyey diid madii hore ee uu saaka kala hor yimid goobtan in la dhiso.
 
 
 
 
 Isku soo wada duub oo maayirka Caasimadda Hargeysa ayaa tan iyo intii uu qabtay xilka Maayirnimo waxa lagu eedeeyaa in uu ku kacay dhul xaraash badan,kaasi oo uu isagu u isticmaalayo sifo khaldan oo isaga u gaar ah,waxaana si xoogan uga qaylinaya oo joogto ah shacabka ku nool gobolka Maroodi-jeex oo ku eedaynaya in uu xataa dhul ay leeyihiin ka maroorsaday.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.