Saraakiil ciidammada Somaliland ka tirsan oo ku dhaawacmay Dagaal

Laba Sarkaal oo ka kala tirsan Ciidammada Millateriga iyo Booliska Somaliland iyo Qof Shicib hubaysan ah, ayaa ku dhaawacmay dagaal gelinkii hore ee Jimcaha ka dhacay Deegaanka Balliga Diirye Guuleed oo 18 KM Dhinaca Waqooyi ka xigta magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ka dib markii ay Malleeshsiyo Beeleed Hubaysan oo ka gedooday deegaankaas oo laga baabb’iinayey ay dagaal ku qaadeen Ciidan iyo Masuuliyiin halkaas joogay.

Dagaalkaas ayaa gelinkii hore ee Jimcaha dhacay ka dib markii ay Ciidan Millateriga ka tirsan oo deggan Deegaanka Balliga Diirye Guuleed oo ay ku muransanaayeen laba Beelood oo beel ka mid ahi ku gacan-saydhay go’aan ay Wasiirro Xukuumadda ka tirsan ka soo saareen maalmo ka hor, ayaa weeraray Ciidanka iyo Masuuliyiinta gobolka iyo Degmada Burco oo halkaas u tegay inay baabbi’iyaan Dergado ka dhisan oo ka soo hadhay Barkado ay markii go’aanka Wasiirradu soo baxay ka dib la aasay.

Hase-yeeshee, Beesha Cabdalla Arab oo ku doodaysa inay deegaankaas degganayd lixdankii sano ee ugu dambeeyey iyo Beesha Reer Biniin ee Habar-jeclo oo dhawaan ay sheegayaan inay la soo degtay, ayaa hore dad ugu kala dilay deegaankaas, ka dib markii ay isku maan-dhaafeen in la magaaleeyo iyo inaan la magaalayn karin deegaankaas, iyada oo beesha Cabdalle Arab bilawday qodista Barkado iyo dhismayaal dergado ah, kuwaasoo ay beesha kale ka soo horjeedday, isla markaana Ciidammo hubaysan halkaas isku hor-fadhiisiyeen.

Ciidammada Hubaysan ayay Wasiirrada Xukuumaddu u dirtay toddobaadkii hore dalbadeen in la kala qaado, isla markaana Ciidammada Qaranka Askar ka tirsan halkaas la geeyo si ay nabadgelyada u ilaaliyaan, waxaanay markii Ciidan-beeleedyada la kala qaaday Wasiirradu soo saareen go’aan ah inaan deegaanka Balliga Diirye Guuleed la magaalayn karin. Waxaa-se go’aankaas ka biyo-diiday Beesha Cabdalle Arab.

Waxaanay diidmadoodu keentay markii ay Saaka Maamullada gobolka Togdheer iyo Degmada Burco oo Ciidan iyo Cagafyo wataa ay halkaas u tageen inay dumiyaan Dargadaha ka dhisan iyo inay Aasaan Balliga labada Beelood midkood deegaanka ku sheeganayso, inay ka gedoodaan Beesha Cabdalla Arab, isla markaana Malleeshiyo Beeleed ay leeyihiin weerareen Ciidanka iyo Masuuliyiinita halkaas yimiba, isla markaana ay halkaas ku dhaawacmeen saddex qof oo ay laba yihiin Abbaanduulihii Ciidanka Qaranka ee gobolka Togdheer iyo Taliyihii Ciidanka Booliska dawladda Hoose ee Burco iyo hal qof oo Malleeshiyo-beeleedka laga dhaawacay.

Dhaawacyada ayaa loo qaaday Cusbitaalka guud ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer si halkaas loogu daweeyo, waxaaa-se markii dambe Taliyaha qaybta Millateriga Togdheer loo soo qaaday dhinaca magaalada Hargeysa, ka dib markii sida la sheegay Dhakhaatiirta Cusbitaalka Burco sheegeen inaanay waxba ka qaban karin dhaawiciisa.