“Waxaanu Leenahay Xukumaddu Deg-deg Ha U Horkeento Golaha Wakiilada,  Sharciyada Guddida Doorashooyinka”  Afhayeenka Waddani

Hargeysa (Berbera news) Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, oo ka tirsan Golaha wakiilada, ahna Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay inaanay cudur daar u noqonayn Xukumadda Komishanka Doorashooyinka oo wakhtigoodii gabobago yahay islamarkaana u baahan wax ka bedel inay dib u dhigaan doorashada. Waxa uu soo jeediyay xukumadda inay dedejiso Xeerkooda islamarkaana degdeg loo horkeeno Golaha si loo eego.
 
 
“Waxaanu leenahay  Xukumaddu degdeg ha u horkeento Golaha wakiilada  Sharciyada  Komishanka Doorashooyinka oo halaga baaraan dego qaabka ay ku imanayaan Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku,Mudada ay joogi doonaan iyo xilka ay haynayaan noocuu noqonayo.Arintaasi sidii xisbiyaduba isku raaceen waxaanu u aragnaa arin aad iyo aad muhiim u ah Qarankan horumarkiisa iyo hanaanka geedi socodka dimuqraadiyadana wax weyn ka taraysa” ayuu yidhi Afhayeenka Waddani.
 
 
 
Xisbiyadda Mucaaradka ah ayaa ku midaysan in 9 xubnood laga dhigo Xubnaha Komishanka doorashada oo hore u ahaa 7 Xubnood islamarkaana saddexda xisbi qaran keensadaan midkiiba saddex xubnood, hase ahaatee wali xukumaddu mawqif kama istaagin dalabka Mucaaradka.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.