“Deegaannada Lagaga Dhawaaqay Khaatumo Waxay Qayb Ka Yihiin Xuduudda Somaliland, Mana Ogolaanayno” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay doorashadii madaxweynenimo ee Cali Khaliif Galeydh oo dhawaan ka dhacday deegaanka Saax-dheer ee gobolka Sool ayaa sheegay in doorashadaas ay fiican tahay, balse Somaliland aanay doonayn inuu maamul kale ka hoos-dhasho.
 
 
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo Waraysi siiyay Idaacada VOA-da Laanteedda Afka Somaaliga ayaa uga digay Cali Khaliif inuu colaado ka abuuro deegaannada Somaliland, isagoo shacabka ku nool deegaannadaas ugu baaqay inay nabadda ka shaqeeyaan.
 
 
“In dad meel isku yimid ay wax doortaan waa mid loo baahan yahay, waana soo dhaweynaynaa doorashada Cali Khaliif, balse ma ahan inuu colaad ka dhex abuuro dad walaalo ah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID
 
 
Sidoo kale, wuxuu sheegay in Somaliland aysan aqbali doonin in laga dhiso deegaannadeeda maamul kale sida Khaatumo, isagoo xusay in taas ay jawaab ka bixin doonaan.
 
 
“Deegaannada looga dhawaaaqay  Khaatumo waxay qayb ka yihiin xuduudaha Somaliland, mana ogolaan doonno in maamulka uu sii shaqeeyo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID.
 
 
Faysal Cali Waraabe ayaa noqonaya mas’uulkii ugu horreysay ee Somaliland oo si toos ah uga hadla doorashada Cali Khaliif loo doortay madaxweynaha Khaatumo.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa