Ergayga Qaramadda Midoobay Ee Somaliland Iyo Somalia Oo Beri Ku Soo Foo Leh Hargeysa

Hargeysa (Berbera news)  Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa beri oo Isniin ah soo gaadhaya Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxaana lagu wadda inuu kulamo la yeesho Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, Maxdaxdda Axsaabta  Qaranka iyo Baarlamaanka.
 
 
 
Mr. Kay muddo ku dhaw Sanad aan Safar ku iman Somaliland, marka laga reebo safar kooban oo uu dalka yimi xiligii loo magacaabay Danjiraha Qaramadda Midoobay ee Somaliland iyo Somalia, kaas oo xidhiidhkii uu la lahaa Dawladda Somaliland aanu muddooyinkan fiicanayn ka dib markii uu sheegay in Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee UNSOM laga furo Muqdisho, kaas oo Somaliland-na ay ka soo  hor-jeesatay Go’aankaasi.
 
 
 
Mr Kay ayaa safarkan uu ku imanayo Dalka waxa uu ka dambeeyay  Casuumadda uu hore Wasiirka  Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi  Yoonis uu sheegay in Xukuumadda ahaan ay Marti-qaad u fidiyeen si u yimaaddo Waddanka.
 
 

 
Berbera news/Hargeysa