Madaxweyne Siilaanyo Oo Boorame Kaga Qayb-galay Munasibadd Loo Qabtay 621 Arday Oo Ka Qalin-jabiyay Jaamacadda Camuudd + Sawiro

Boorama (Berbera news) Madaxweynaha Somaliland, Axmed Max’ed Siilaanyo ayaa Maanta Safar aan hore loo shaacin ku tagay gobolka Awdal, gaar ahaan magaaladda Boorama.
 
 
Dadweynaha reer Awdal ayaa si weyn usoo dhaweeyey, isla markaana ka hor yimid, waxaanu madaxweynuhu ugu dambeyntii ka qaybgallay qalinjabinta ardaydda jaamacadda Camuud oo maanta ay ka qalinjabinayeen lix boqol iyo kow iyo labaatan arday.
 
 
 
Munaasibadan balaadhan oo loo sameeyey ardaydan qalinjabinayey ayaa loogu sameeyey hoolka weyn ee jaamacada, isla markaana waxa halkaasi khudbaddo ka soo jeediyey madaxda jaamacadda, wasaradda waxbarashadda iyo masuuliyiin kale.
 
 
 
Sidoo kale, waxaa iyaguna halkaasi ka qalinjabiyey madaxweynuhu shahaadooyin siiyey afar arday oo dhego la’ oo ka qalinjabiyey jaamacadda, isla markana ka mid ahaa ardaydii ugu horeeyey ee wax ka baratay jaamacadda.
 
 
 
Guddoomihyaha Jaamacadda Camuud, Prof. Saleebaan Axmed Guuleed ayaa madaxweynaha uga mahad celinayey taageeradda uu mar walba u hayo jaamacadaha dalka gaar ahaan jaamacadda Camuud, waxaanu ka warbiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay jaamacaddu, isagoo xusaya inay maanta marayso halkii ugu wanaagsanayd, taas oo ay ka qalinjabinayaan 621 arday oo ka baxay 12 kuuliyadood oo kala duwan.
 
 
 
 
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ardaydan qalinjabinaysa, isla markaana u rajeeyey mustaqbal wanaagsan, waxaanu ardayda kula dardaarmay in aanay niyad jabin ee waxbarashadoodda sii wataan, isla markaana dadaalkooda sii libin laabaan.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.