Socdaalkii Itoobiya iyo Waayihii Ku Ladhnaa !!!!.Qormadii:1-aad W/Q:Khadar Gureyte.

Waa goor danbe oo habeenimo ah markii Axmed Gadhay uu taleefankayga soo garaacay si uu arimo muhiim ah uu iigu sheego.Axmed waa wiil dhalinyaro ah oo aanu in muddo ah saaxiibo soo ahayn,waxaana uu Jaamacad ku taala dalka Itoobiya ka bartaa Caafimaadka(Dhakhtarnimada),sida oo kale Axmed waxaanu mar ka wada baxney dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali oo ku yaala Magaalada Hargeysa sanadkii 2010-kii.
 
 
Axmed Taleefanka maan ka qaban,waayo markaa taleefanku waa uu iga durugsanaa,oo waxaan aad mashquul ugu ahaa diyaarinta mid kamida Imtixaanadii aan kaga baxaayey Jaamacada Hargeysa ee heerka koowaad ee shahaada Jaamacada(Degree).
 
 
Cabaar kadib markii aan soo dhamaystay hawlahayga wax akhris,waxaan u soo kacay dhinaca meesha aan seexanayey,markii aan gogoshaydii dul tagay,ayaan aniga oo daal aad u badan iyo hurda yaraan dareemaya aan dhinacayga sariirtii dul dhigey waayo muddadii Imtixaanku ii socday waxaa aad iigu yareyd hurdada.
 
 
 
Deedna dhinaca qadaadka amaba dhabarka aniga oo u jiifa ayaan markiiba gacanteydii haab haabatey barkintayda hoosteeda oo aan ku ogaa in uu ku jiro taleefankaygii,nasiib wanaag markiiba gacantaydii waxaa ay soo qaaday taleefankii,aniga oo Ilna isku qabanaya,Ilna kala haya ayaan taleefankii eegay,waxaaba ku jira Saddex jeer oo baaqid ah(Missed Call),deedna waan sii eegay mise waaba ninkii Odeyga ahaa ee aanu aadka u saaxiibka u aheyn ee Axmed Xasan Maxamed(Dr:Gadhey).yaabay!oo idhi tolow caawa maxaa dhacay Axmed xiliyadan oo kale kumuu soo garaaci jirinee,Isku qanciyey koleyba waxbaa jira waayo Axmed xiligan ku muu soo garaaceen hadaanay wax jirin.
 
 
Axmed hadba waxii hawla ah ee labadayada nagu soo kordha,waxaanu ka wada xidhiidhi jirney goobaha bulshadu ku wada xidhiidho ee Internetka sida Facebook-ga iyo Email-lada halkaas oo aanu waxii fariimo ah isu marin jirney iyo waliba markaa aanu sheekooyin iska caadi ahba aanu leenahay ,maadaama aanu nahay laba qof oo aad u asxaab ah kala joogana Itoobiya iyo Somaliland oo dhinaca hadalka taleefanku aad u qaali yahay.Laakiin Axmed muddooyinkaba goobahaas waa uu iga waayey,sababta oo ah waxaan ku jirey Imtixaanka Jaamacada oo markaa ii socdey,waxaana aad iigu yaraaday haleelka gali taanka Internetka.
 
 
Durba intii ay maskaxdaydu isweydiinaysay ujeedka uu Axmed ii soo garaacay,ayaanba gamey(Seexday),deedna subaxii ayaan is arkey aniga oo hurda,gartey markiiba in aanan Axmed ku celin taleefanka oo aan ka gamey.
 
 
Waa subaxii 4-aad ee aan galayo Imtixaanka Jaamacada,markiiba wax badan iska maan sii weydiin arrimaha Axmed,waxaan u jarmaaday dhinaca iyo Jaamacada,waxaan soo galey Imtixaankii oo aad u fududaa,markiibana waan ka soo baxay.
 
 
 
Dibada Jaamacada ayaan iska soo fadhiistey aniga oo iska nasanaya,shaah iyo waxyaabo kale oo aan ku nusasaacaynayey ayaan iska dalbaday meel maqaaxi ah oo Jaamcada agagaarkeeda ku taala,durba aniga oo halkii fadhiya oo aan wali dhameyn nusasaacahii ayaa nin kale oo aanu isna aad Saaxiibo u nahay Isku fasal-na aanu nahay oo la yidhaahdo Yaasiin Cali Axmed isoo ag-fadhiistey,isa salaaney iska wareysanay Imtixaankii iyo hawlihiisii, isna halkii iska nusaacee.
 
 
 
Si kadis ah ayaan u xasuustey wiilkii saaxiibka aanu ahayn ee Itoobiya iga soo garacayey,sida oo kale Inankan aan hada la fadhiyo iyo inanka Itoobiya ku sugana waxaanu nahay saddexdayaduba Asxaab muddo wax soo wada baraneysay,kuna walaaloobay wax korodhsiga Aqoonta,Yaasiin markiiba waxaan ku idhi waar ninkii Saaxiibkeen ahaa ee Axmed xalley dhawr jeer ayaa uu isoo garaacey ana taleefanka waan ka yara fogaa oo maan ka qaban, markaa tolow maxaa ku dhacey.Inta uu isaga oo qoslaaya isoo eegay ayuu yidhi waar ana waa uu isoo garaacay oo maan ka qaban.
 
 
 
Aniga iyo Yaasiinba markiiba waxaanu isla qaadaney in aanu lahadalno Axmed si aanu u ogaano waxa jira,kala tagney aniga iyo Axmed,mid kaayaba dhinacaa iyo Xaafadihii aad.
Salaadkii casar kadib ayaan garaacay taleefankii Axmed Xasan Maxamed,nasiib darro waa uu iga qaban waayey,waan se ku yara cel celiyey xoogaa bal in uu iga qabto,laakiin muu se qaban.
 
 
Hadana Makhrib kadib ayaan ku celiyey taleefankii Axmed,waaba uu iga qabtey,Isa salaanay,markiiba kula boodey waar ma wax dhiba ayaa jira!!,isna ku jawaab maya saaxiib. wax dhib ahi ma jiraan ee arrin ayaan isla haa u sheeg aad u muhiim ah,Hawraarsan ii sheeg ayaan ugu Jawaabey.
 
 
 
 
La Soco qeybaha Danbe……………………………………….
Khadargurayte@gmail.com
Hargeysa,Somaliland.