Mudaharaad rabshado wata oo ka dhacay magaalada Burco

Burco-(Berberanews)-Kooxo isugu jira haween iyo dhallinyaro, ayaa mudaharaad cabasho ah ka sameeyay magaaladda Burco ee xarrunta ee gobolka Togdheer maanta, kuwaasoo taayiro ku gubay qaar ka mid ah jidadka magaalada.

mudaharaadka Burco

Mudaharaadkan  ayaa waxa uu ka dhashay, ka dib markii ciidanka Boolisku xabsiga u taxaabeen  12 oday oo isugu jira cuqaal iyo odayaal ka soo jeeda  dhinacyadii isku hayay degaanka Bali Diiriye ee ku yaal waqooyiga Burco habeenkii Isniinta.

Qaar ka mid ah ehelada odoyaasha la xidhay ayaa warbaahinta u sheegay in amarka  xadhigooda uu bixiyey  weftigii Xukuumadda ee u horkacaayey taliyaha Booliska Somaliland Sareeye  Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, waxayna tilmaameen in odayaasha la xidhxidhay weftiga xukuumadda ka socday ka diiday dalab loo gudbiyey oo ahaa inay u raacaan Hargeysa si ay la kulmaan  Madaxweynaha, cabashadoodana u gudbiyaan.

 

“Waxaannu u mudaharaadaynaa waxa la burburiyey baraahayagii iyo dhismayaashayadii degaanka Balli Diiriye Guuleed oo jiray muddo dheer, haydh tuulo iyo sharcina lahaa, waxa kaloo xalay (habeenkii Isniinta) caddaallad-darro lagu xidhay  odoyashi iyo cuqaashadii, kana yeeli mayno Xukuumadda Siilaanyo waxa ay wado, waanan waddaynaa mudaharaadkayaga.”  Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka mudaharaadka ka dhigay Burco maanta.

Badhasaabka Gobolka Togdheer Md. Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in dadkan mudaharaadaaya ay yihiin eheladii odoyaasha xidhan, waxaannu yidhi; “Xalay (habeenkii Isniinta) waxa la xidhay ilaa tobaneeyo odayaal ah, dadkan mudaharaadayeyna waa ehelada odoyaasha la xidhay, waad arkayseen oo waxay iigu yimaadeen gobolka, wayna iga tageen oo waxay tageen dawladda Hoose,  hadana jeelka Burco ayey tageen, waxaanay ahaayeen tiro aan badnayn.”

mudaharaadka Burco1

Waxa kaloo Badhasaabku intaas ku daray in odayaasha  xidhan diideen inay  maleeshiyaad hubaysan oo degaankooda taageersan ka raraan goobo ay hore uga fuliyeen hawlgal khasaare ka gaadhay ciidanka qaranka, taasina sababtay in xabsiga loo taxaabo.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka mid ah xubnaha weftiga dhinaca xukuumadda ka socday oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Burco, una joogo hawlo la xidhiidha xallinta khilaafka degaanka Balli Diiriye Guuleed, ayaa isna sheegay  sheegay inay ahaayeen ergo aan garnaqayn, balse doonayey inay odayaasha iyo cuqaasha u geeyaan Madaxweynaha si ay cabashadooda ugu gudbiyaan, maadaama aanay ku qancin go’aan hore wefti wasiirro ah uga soo saareen murranka dhulka Balli-guuleed oo magaalada Burco ka xiga dhinaca waqooyi.

Weftiga xukuumadda ee ku sugan magaaladda Burco, waxa hoggaaminaayey Taliyaha Ciidanka booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha, Xildhibaan Nacnac, Agaasimaha Hay’adda Hay’adda Abaabul ka saarka qaranka Mr. Jamaal Caydiid, kuwaaso habeenkii Jimcaha gaadhay Burco, iyagoo u muuqda  in aanay wax guul ah ka gaadhin wixii loo soo diray ee ku saabsana xallinta xiisadda ka taagaan degaanka Balli Diiriye Guuleed.