“Nicholas Kay Waxaanu Kala Hadalay Khaatumo Oo Aanu U Aragno,  Inay Rabshad Waddo” Wasiirka Arrimaha dibadda

 Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Arimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi  Yoonis ayaa sheegay inN Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan arrimaha  Somaliland iyo Somalia Nicholas Kay ay  Xukuumadda ahaan u soo ban-dhigeen xaaladda Siyaasadeed ee Somaliland iyo aasaaska Khatumo oo uu, xusay in xasilooni-darro ka waddaan deegaanadda Somaliland.
 
 
 
Waxaana hadaladii Wasiirka ka mid haaa   “Waxaanu kala hadalay meesha dalku marayo, waxaanu kala hadalay nabad galyada, wada hadalkii Turkiga ka socday, waxaanu kala hadalay Khaatumo oo aanu u aragno inay rabshad wado, waxaanu kala hadalay Puntland, waxaanu u sharaxnay in Somaliland tahay dad jecel nabada, wada hadalna ku dhamayn karo wax walba.” Ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis
 
 
 
 
Wasiirku waxa uu intaas ku daray  “Dhamaan Qaybaha Qaramada Midoobay ee dalka oo uu madax ka yahay Nicholas Kay, waxa aanu ka codsanay inay nala shaqeeyaan, inay tababaro na siiyaan, inay xagga awooda wax nagala qabtaan, inay wax nagala qabtaan dhinaca Warbaahinta, Sharciga iyo Horumarinta Haweenka. Waxaanu aaminsanahay inay wada hadalo aad iyo aad u fiican ahaayeen, waxaanu go’aansanay inaanu wada shaqayno”
 
 
 
Berbera news/Hargeysa