Raysal-wasaaraha Somalia Oo Kulan La Yeeshay Wwarbaahinta Madaxa-banaan Ee Ka Hawl-gasha Muqdisho

Muqdisho (Berbera news)  Ra’iisul wasaaraha Somalia Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa xalay kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee warbaahinta ka hawl-gasha Muqdisho, kulankan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka diinta iyo Awqaafta, wasiirka warfaafinta iyo wasiirka beeraha, iyadoo lagu casuumay agaasimayaasha warbaahinta guddaha dalka iyo kuwa caalamiga ah,
 

Kulankan oo qaatay muddo saacado ah ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo kala duwan oo ku saabsan sidii ay wada-shaqayn dhow u dhex-mari lahayd dowladda Somalia iyo qaybaha warbaahinta madaxa-bannaan.
 
 
 
Wasiirka warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa ujeedka kulanka ku sheegay inuu yahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya xukuumadda iyo warbaahinta, isla markaana wixii qaladaad ah wadajir loo saxo.
 
 
 
Ra’iisul wasaaraha oo furay shirka ayaa hay’adaha war-baahinta u sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka go’an tahay in wada-shaqeyn dhow ay la yeelato warbaahinta madaxa-bannaan ee Somalia iyo sidoo kale tan caalamiga ah.
 
 

 
“Aniga ayaa kulankan idin kugu yeeray, waxaana ujeedadu tahay inaan iska wareysanno sidii aan dalka u dhisi lahayn. Codkii dadka iyo indhahoodii ayaa tihiin, waa in aad uga faa’iidysataan sidii dalkan looga saari lahaa dhibka. Dhankeenna waxaa naga go’an inaan lagu xad-gudbin xoriyadda saxaafadda waa naga go’an in la ixtiraamo madax-bannaanida warbaahinta, idinkana waajibaad ayaa idin saaran waana inaad qaadataan waajibaadkiinna,” ayuu yidhi Cabdiweli Sheekh.
 
 

 
Isagoo sii haddalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Aragtida dowladda oo cad waa in la arko Somalia oo nabad ah, mideysan, dimuqraadi ah lagana xurmeeyo xuquuqda aadahana oo ku taagan tubta horumarka.”
 

 
Kulanka ayaa waxaa ka hadlay madaxda iyo hawl-wadeennada qaar ka mid ah xubnihii warbaahinta ee ka qaybgalay; iyagoo soo bandhigay aragtidooda ku wajahan sida loo sii horumarin karo xiriirka dawladda iyo warbaahinta, iyagoo ballan-qaaday inay ka dadaal u geli doonaan ka shaqeynta wacyi-gelinta bulshada si loo helo amni, dib u dhis iyo horumar.
 

 
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo kulanka soo xidhay ayaa sheegay inuu aad ugu riyaaqay fikradaha warbaahinta kasoo baxay, wuxuuna xusay inay wax ka qaban doonaan dhibaatooyinka wariyeyaasha loo geysto, isagoo xusay in uu ku rajo-weyn yahay in xukuumadda Itoobiya uu kala hadlo xariga wariye Maxamed Aweys Muudeey oo haatan ku sugan dalka Itoobiya.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa