Wasaaradda  Duulista Iyo Hawadd Oo Sababa Aan Cadayn Uga Jawaabtay Dhaliilo Looga Jeediyay Fadeexaddo Dul-hooganaya

 Hargeysa (Berbera news)  Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista iyo hawadda Cumar  Cabdilaahi Aadan (Cumae Sayid) ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin eedo ay Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladdu ay u jeediyeen, kuwaas oo sheegay in cashuuro lagu kordhiyay adeegyadda Madaarka Hargeysa.
 
 
 
 
Agaasimahan ayaa mar uu maanta Warbaahinta la hadlay, isaga oo sheegay in eedahasi aanay waxba ka jirin ayaan  si faafh-faahsan u cadaynin  fadeexdaasi dhaqaale ee loo soo jeediyay.
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaaa  “Aad iyo aad ayaanu uga xunahay xildhibaano waaweyan oo dadka iyo dalkuba soo doortay in ay ka gaabiyaan mas’uuliyadii dadka ka saarnayd oo ay wax aanay xogogaal u ahayan saxaafada u soo bandhigaan, taas oo ku tusaysa sida aanay ugu kuur galin arintan inta aanay saxaafada soo hor fadhiisan waxaanu halkan ka cadaynaynaa in aan cashuurtaas hal doolar lagu kordhin. Waxaanse idiin sheegayaa xisbiyada mucaaridka ah iyo xildhibaanada mucaaridka ahiba wararka ay dadka u gudbiyeen in ay yihiin warar aan jirin, oo aan sal iyo raad toona lahayan”
 
 
 
Halkan ka Akhri Cashuuraha ay Wasaaradad Duulistu Kordhisay.

 
 
 
Berbera news/Hargeysa.