Wasiirro Xukuumadda Siilaanyo ka tirsan oo tartan ugu jira Casuumado ay Saarka ugu tumayaan Dhaantayahanno Jigjiga Ka soo Ciyaar guday

Hargeysa-(Berberanews)- Wasiirro ka tirsan Xukuumadda madaweyne Siilaanyo, ayaa hawlihii ay qaranka u hayeen mashquul iyo loolan ugu jira casuumidda iyo la-tamashlaynta Fannaaniin dhowaan laga soo marti-qaaday magaalada Jijiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya, kuwaas oo uu dalka keenay Wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse). Fannaaniintan oo geyiga Soomaalida kaga caan-baxay jiibtada Dhaantada iyo heesaheeda, muddo Toddobaad ah ku sugnaa Magaalada Hargeysa, isla-markaana ay xukuumaddu si gaar ah usoo casuuntay, ayaa munaasibado kala duwan ku  qabtay Huteello waaweyn, waxana ay dhaantooyin u badan Ammaanta Madaxweyne Siilaano saarka kaga saareen Saraakiisha xukuumadda ka tirsan iyo waliba shakhsiyaad Qurbejoog ah oo xidhiidh fiican la leh oo haatan dalka kusoo guryo noqday.

casuuad

Wasiirrada xukuumadda ka tirsan oo iyaga intooda badan uu faro baas ku hayo saarka dhaantadu, ayaa bilaabay inay kala hororsadaan casuumad gaar ah oo ay fannaaniintan u sameeyaan, waxana la qadeeyey haatan wasiirka arrimaha Gudaha Cali Waran-cadde, halka tiro kale oo wasiirro ahina maalmaha soo socda  la tamashlayn doonaan Fannaaniitan reer Jigjiga. Xukuumadda oo ay ugu horrrayso Wasaaradda Warfaafintu ayaa iyagu karantiimeeyey fannaaniintii qaranku lahaa ee Xidigaha Geeska oo dadku si weyn ula dhacsan yihiin Heesahooda, waxana laga joojiyey Tv-ga iyo idaacadda Dawladda Heesihii Kooxdani lahay, iyadoo sababtuna tahay inay Barnaamij u duubeen Tv-yo dalka ka baxsan. Kharashka ku Baxay Kooxdan Reer Jigjiga  soo xerogelintooda iyo Casuumadooda, ayaa dadku si weyn u hadal hayaan, waxana muuqata in lagu baab’inayo Hanti meelo kale oo baahi badan u qabta wax lagaga qan lahaa. Kooxdan ayaa lagu wadaa inay dhawaan la kulmaan Madaxweyne Siilaanyo marka ay soo dhamaystaan Quyuuga dheer ee dhinaca Casuumadaha ah, lamase Garanayo inay Dhaantada u garaaci doonaan Madaxweynaha Laftiisa oo dhinaca ammaanta ay isku wanaagsan yihiin. Xukuumadda Somaliland ayaa si weyn uga cadhootay Barnaamij ay ciidii ina dhaaftay Fannaaniinta qaranka ee Xidigaha Geesku u qabteen TV-ga Universal oo ay u taqaanno cadow ka dhan ah qaranimada, waxanana ay taasi keentay in xidahaga Geeska laga jaro mushaharkii ay ka qaadan jireen Xarunta Tv-ga qaranka oo ay ka tirsanaayeen. Saarka dhaantada oo xubnaha xukuumadda intooda badan, gaar ahaan inta ammaanka madaweynaha kaliya shaqadooda u haysta ku fogaaday sida Wasiir Cukuse oo isagu dalka keenay, ayaa dareen dhaw kula socda fannaaniintan oo lagu xumaynayo isla markaana lagula dagaalamayo Fannaaniinta Xiddigaha Geeska oo Cabdilaahi Cukuse ku saluugay kaliya in aanay ku xusin mahadsanaqa Hees Muuqaal ah oo loo sameeyey dhiirri-gelinta dhismaha waddamada Ceerigaabo, taas lagu xusay mahad-naqa Madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Madaxtooyada, taas oo fannaaniinta xiddigaha Geesku magac iyo sharac ku mutaysteen.  CODKAHARGEYSA.COM INFO@CODKAHARGEYSA.COM

Si aad u Akhrido, Guji Halkan: http://codkahargeysa.com/2014/08/wasiirro-xukuumadda-siilaanyo-ka-tirsan-oo-tartan-ugu-jira-casuumado-ay-saarka-ugu-tumayaan-dhaantayahanno-jigjiga-ka-soo-ciyaar-guday-oo-cukuse-kula-dagaalamayo-xiddigaha-geeska/
Copyright © CODKA HARGEYSA