waxaan la kulmi doonaa Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirro badan oo xukuumadda ka mid ah..”N Kay

Hargaysa (Berberanews)- Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland Nicholas Kay, ayaa lagu soo dhaweeyey caasimadda Somaliland ee Hargeysa maanta kadib markii xukuumaddu u fidisay martiqaad uu dalka ku yimaado, iyadoo aannu xidhiidhka labada dhinac hore u fiicnayn.

Nicholas Kay iyo Hargeysa

Mr. Nicholas Kay ayaa ka soo degay madaarka diyaaradaha ee Hargeysa saaka kadib markii uu ka soo kicitimay magaalada Garowe ee maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxa soo dhaweeyey Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland Mawliid Maxamed Ibraahim.

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland Mawliid Maxamed Ibraahim oo qolka nasashada ee madaarka Egal Airport kula hadlay warbaahinta, ayaa sheegay inay Somaliland iyo ergayga Qaramada Midoobay ka wadashaqaynayaan arrimaha bani’aadanimo.

 

Nicholas Kay1

“Waxaanu soo dhaweynaynaa Nicholas Kay oo ah u qaybsamaha Somaliland iyo Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, waa markii labaad ee uu halkan yimaado muddo sannad iyo bil ah. Sidaad ogtihiin xafiiskan UNSOM waxa uu leeyahay laba qaybood oo kala ah siyaasadda iyo bani’aadanimada, sidaasi darteed mar walba waynu ka tirsanahay xafiisyadan Hargeysa ee uu isagu maamulo, markaa dhinaca aynu sida xoogga ah uga wadashaqayno waxa weeye dhinaca arrimaha bani-aadanimada,” ayuu yidhi Md. Mawliid.

Waxa kale oo uu xusay in ay Somaliland rajaynayso is afgarad laga gaadho khilaafka u dhexeeya ergayga Qaramada Midoobay, waxaannu yidhi, “Waxaannu rajaynaynaa in wadashaqaynta innaga iyo danjire Nicholas Kay sii socoto oo waxyaabaha aynu isla fahmi la’nahayna aynu meel fiican ku tiirinno oo uu inaga noqdo innagoo is faham fiican ka gaadhnay Isha Allaahu.”

Nicholas Kay4

Dhinaca kale, Danjire Nicholas Kay oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshiyihiisa Hargeysa markii labaad tan iyo markii xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay loo soo magacaabay muddo ka badan sannad ka hor, isagoo xusay inuu kulamo la yeelan doono madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadda.

“Waxaan joogi doonaa ugu yaraan maanta, waxaan la kulmi doonaa Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirro badan oo xukuumadda ka mid ah. Waxa kale oo aan la kulmi doonaa dhammaan bahda Qaramada Midoobay ee ku sugan Somaliland si ay u caawiyaan dadweynaha Somaliland si ay u gaadhaan wanaag, nabad iyo barwaaqo,” ayuu yidhi Danjire Nicholas Kay.