“Waxaan Wax Baddan Ka Bartay Somaliland Waxay Qabsatay” Nicholas Kay.

Hargeysa (Berbera news)  Ergayga Xoghayaha guud ee qaramadda Midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somaliya Nicholas Kay ayaa sheegay inuu wax badan ka bartay waxyaabo ay Somaliland ka gaadhay Dhinacyadda Horumarka iyo Dimuqiraadiyadda.
 
 
 
Mr Kay oo maanta kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa kale in uu Xukuumadda uga nahad-celinayo soo dhaweynta loo sameeyay, isaga iyo Waftiga uu Hoggaaminayo.
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaaan uga mahad celinayaa Madaxweyne Siilaanyo   soo dhaweynta diiran iyo Qaabiladda ay I siiyeen, haddii an ahay Hogaanka Qaramadda Midoobay ee halkan (Somaliland) , waxaanu wadda yeelanay wadda haddal aad u fiicdan Wasiiro uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadda, waxaanu ka hadalnay Aajnde balaadhan, waxaan wax badan ka bartay Somaliland waxay qabsatay” ayuu yidhi Mr Kay
 
 
 
Waxaanu intaas ku daray  “Waxaanu Awoodnaa inaanu Somaliland ka caawino Waxyaabaha ay mudnaanta siinayaan, inaanu ka jawaabno Baahayaha Somaliland. Ujeedada Qaramada Midoobay waxa weeye inay dadka ku taageerto sidii ay ugu raaxaysan lahaayeen Nolol oo leh Nabad Wanagaasan, Nolol fiican, iyo iyadoo la xaq dhawrayo Xuquuda Aadamaha iyo Xorriyada Shaqsiga ahba”Ayuu yidhi Nicholas Kay.
 
 
 
 
Safarkan Niclos kay ayaa Noqonay kii labaad ee uu ku yimaado Somaliland iyo Tantii la aasaasay Xafiiskan UNSOM badhitamihii Sanadkii hore.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa