Daawo: Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Eedo U Jeediyay Ergayga Qaramadda Midoobay Ee Somalia

Hargeysa (Berbera news) Eng Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID waxa uu sheegay in Ergayga  Gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Soamliland iyo Somalia Nikolas Kay inuu waddo Qorshayaal Siyaasadeed oo dib loogu soo celinayo Heshiiskii Rod Mapka ee Sanadkii 2012kii ka Qabsooay Garoowe, isaga oo  Xusay In uu Salka ku hayo Himilooyinkii Dawladdii Dhexe ee Somaliya.    
 
 
Faysal Cali Waraabe oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in  Xisbi ahaan ay Madaxweye  Siilanyo ay ugu baaqayaan inuu Somaliland ka qabto  Doorasho.    
 
 
 
Eedahan uu Guddoomiyaha Xisbiga UCID u Jeediyay Nikolas kay ayaa imanaya, iyadda oo uu shalay Kulamo la qaatay Madaxweynaha Somaliland, Shirguddoonka Baarlamaanka Iyo Hogaamiyayaasha Xisbiyadda Mucaaridka.    
 
 
 
 
Halkan ka Daawo
.  
 
 
Berbera news/Hargeysa.