Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Ka Hadlay Khilaaf La Sheegay Inuu U Dhexeeyo Madaxweynaha 

Hargeysa (Berbera news)  Wasiirka Arimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka hadlay warar maalmihii u dambeeyay soo baxayay oo sheegayay inuu isu iscasilayo khilaaf isaga iyo Madaxweynaha soo kala dhex galay. Waxa uu sheegay inaanay khilaafkaasi waxba ka jirin islamarkaana uu madaxweynaha xidhiidh fiican la leeyahay.
 
 
 
“Wax Alaale wax ka jiraa ma jiraan, waana wax aan sal iyo raad toona lahayn, war saxana maaha, waanay iska hadlayaan, Madaxweynahana aad iyo aad ayaanu iskugu fiicanahay, mana jirto sabab aanu isku khilaafno, markaas waa warar ay baahiyeen dad aan masuul ahayni” Ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo Wargeyska Geeska Africa u Waramay.
 
 
 
Wararka sheegaya Khilaafka wasiirka iyo Madaxweyne Siilaanyo ayaa soo shaac baxay ka dib markii doraad Danjiraha UN-ka u u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Mr Nicholas Kay uu ka soo degay Hargeysa, balse aanu ka xaadirin soo dhawayntiisa Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo qayb laxaad leh ka qaatay Imaanshiyaha Nicholas Kay.arintaasi ka dib ayay soo baxeen warar warbaahinta qaarkeed baahisay oo ku salaysan khilaafka, iyadoo Shalayna uu kulanka madaxweyne Siilaanyo iyo Nicholas Kay ka qayb galay wasiir Maxamed Biixi Yoonis
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa