“waxaanu ognahay in Jaamac Riyo sameeyo heeso ka soo horjeeda xisbiga talada haya,”Jamal Cali Xusen

Hargeisa(Berberanews)- Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen ayaa walaac ka muujiyey xadhiga Xidhibaan Jaamac Riyo, waxaannu tilmaamay in ukuumada Madaxweyne Siilaanyo inay ku tumatay xisaanadii ay lahaayeen xildhibaanada golaha Baarlamaanka kadib markii ay xabsiga dhigay Xildhibaan Jaamac Riyo.

Mr Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay in xukuumadani ay tahay tii ugu horaysay ee jidaysa xadhiga Xildhibaan intii Somaliland Jirtay, waxaanu uga digay inay sii wado ku tumashada sharciga dalka u yaala.

Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga UCID, waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Hargeysa, kaas oo sidoo kale kaga hadlay shaqaaqo laba beelood ku dhex martay  waqooyiga Burco oo ay wada degaan, waxaanu tilmaamay in xukuumada Siilaanyo aanay u galin arintaasi sidii xukuumadihii ka horeeyey u maarayn jireen marka ay meel shaqaaqo sokeeye ka dhacdo.

Waxaanu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo ugu horayn ka hadlaya xadhiga Jaamac Riyo “Waxaan u arkaa arintaasi inay tahay arin sharcigii lagu tuntay, waynu ognahayoo ninka xildhibaanka ah ee Baarlamaanka ama Guurtida ka tirsan waxa uu leeyahay Xasaanad gaar ah oo sharcigu siiyey oo markiiba aan jeelka ama xabsiga lagula carari karin, iyadoo uu dambi weyn oo Maxkamad la soo taago mooyaane, markaa waxaan odhan lahaa falal horeeto oo noocan oo kale ahi way dheceen oo xildhibaano iyagu is-faro saaray way jirtay, laakiin sababta xildhibaan Jaamac Riyo isaga si gaar ah loogu riday xabsiga maanaan fahmin waxaanan u aragnaa cabudhin, waxaanu ognahay in Jaamac Riyo sameeyo heeso ka soo horjeeda xisbiga talada haya, waxaanu ognahay in Jaamac Riyo aanu taageersanayn xisbiga Kulmiye oo uu taageersan yahay xisbiga UCID.

 Xukuumada waxa aanu uga digaynaa in aanay sharciga ku tuman oo aanay xildhibaanada cabudhin, cabudhintuna maaha wax wanaagsan, waana xildhibaankii ugu horeeyey taariikhda inta aan Somaliland ka xasuusto ee la xidho, xukuumadan ayaana bilawday”.

Jamaal Cali Xuseen mar uu ka hadlayey Arimaha ka taagan waqooyiga Burco ee u dhexeeya laba beelood oo halkaasi wada dwega ayaa waxa uu yidhi “Siday xukuumadu u wado waa si ka duwan sidii xukuumadihii hore u gali jireen marka ay meel shaqaaqo ka dhacdo, waxa kali jiray oo hormood ka ahaan jiray wasaarada Arimaha gudaha wasiirkeeda oo adeegsanaya madaxdhaqameedyada dalka ee ka yimid beelaha kale ee aan ahayn beelaha is-laynaya”

Ugu dambayntiina Jamaal Cali Xuseen waxa uu golaha Baarlamaanka ku canaantay inay yihiin kuwo hurda oo ka qaabiyey inay shaqooda qabsadaan kadib markii dhawaan wasiirka Duulista iyo Hawadu uu kordhiyey lacag cashuur ah oo aan golaha Wakiiladu u ansixin oo sharciga Baalmarsan.

Waxaanu yidhi saga oo arintaasi ka hadlaya “Baarlamaanka waxa aanu leenahay shaqadiina qabsada, Baarlamaanku waxa uu noqday mid hurda, waanay inay u yeedhaan wasiirka duulista oo ay talaabo sharciya ka qaadaan oo wasiirku aanu cashuuro jeebkiisa uu kala soo baxay aanu dadka ka qaadin”