Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Gabiley Oo Ka Hadlay Mooshin La Sheegay In Xilka Lagaga Qaadayo

Hargeysa (Berbera news) Duqa Degmadda Gabiley Shucayb Maxamed Muuse ayaa sheegay in haddii ay Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Gabiley ay xilka ka qaadaan ay Waafaqsan tahay Sharciyadda.
 
 
 
Guddoomiyaha Golaha Deeganaka Gabiley waxa u sidaasi ku sheegay mar uu warbaahinta kula Hadlay Xarunta Baarlamaanka oo kulan wax lagaga weydiinayay Masuuliyaddiisa uu la yeeshay Guddiga Daryeelka Hantidda ee Golaha Wakiiladda Somaliland.
 
 
 
In ka badan 15 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabilay ayaa la sheegay inay wadaan Mooshin xilka lagaga qaadayo Duqa Degmadda Gabiley.
 
 
Halkan ka daawo.

Berbera news/Hargeysa.