Mooshin Ka Dhan Ah Maayarka Iyo Ku Xigeenka Hargeysa Oo Abaabulkiisu Socdo

Hargeysa (Berbera news) Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa ayaa wadda mooshin la doonayo in xilka lagaga qaado Duqa Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo ku xigeenkiisa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne), kaas la sheegay inuu abaabulkiisu u socda.
 
 
 
Ilo-xogogaal ah ayaa sheegay in Mooshinkan ay hormood ka yihiin Xildhibaano Xisbiyadda Mucaaridka ugu jira Golaha Deegaanka iyo Ururaddii ku hadhay Doorasahddii Deegaanka, balse Xoguhu si gaar ah umay xusin Mudanayaashaasi Magacyaddooda, waxaanay tibaaxuhu intaas ku darayaan in Mooshinkan ay soo badhigayaan Todobad-yadda soo-socdda.
 
 
 
 
Warbaahinta madaxbanaan ayaa dhawaan waxay baahiyeen warar ay ku sheegayaan Mudanayaal ka tiran golaha Deegaanka oo ka soo jeedda Xisbiga WADDANI ay wadaan Mooshin ka dhan ah Duqa Hargeysa iyo ku xigeenkiisa, balse Maayar Soltcelco ayaa arrintaasi ku tilmaamay mid aan sal lahayn.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa