“Wada-hadalka Somaliland Noo Socda Waxaan-qabaa, In la Dar-dar Geliyo” Raysal-wasaare ku Xigeenka Somalia

Hargeysa (Berbera news) Dawlada Somaliya ayaa gaabis ku tilmaantay qaabka ay u socdaan wada hadalada Somaialnd iyo Somaliya, iyadoo sidoo kale soo jeedisay in la dardar geliyo.
 
 
 
Raysal Wasaare ku xigeenka Dawlada Faderaalka Somaliya ahna wasiirka diinta iyo awqaafta Md:Ridwaan Xirsi Maxamed, oo ka soo jeeda asal ahaan Somaliland, oo la hadlaayey warbaahinta dawladda Muqdisho aya carabka ku adkeeyey inay sii wadayaan wada hadalka Somaliland ay kula jiraan.
 
 
 
Waxaana hadaladisii ka mid ahaa “Arrinta Somaliland runtii waxaan odhan karaa waa arrin ka culus dawlad goboleedyada iyo barnaamijku siduu u socdo waanay kala duwantahay, wada hadalka Somaliland ay kula jirto dawladda Somaliya anigu waxaan aaminsahahay xawligii loo baahnaa inaanu ku socon, waxaan qabnaa inaan dardar gelino, hawshaasna loo sameeyo qorshe cad oo la doonayo dadkaas walaalaha ahi inay ku wada hadlaan oo ku xaqiijiyaan hadafka iyo danta la leeyahay, markaas waxaan qabaa arrintaasi waa nidaam gaar ah, waanu socdaa, dhawr goor ayaana Turkiga la isugu yimid.”
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa