Xisbiga WADDANI Oo Dhaliilay Qaabkii Ay Xukuumadda Baarlamaanka Ugu Gudbisay Xeerka Diwaangelinta Cod-bixiyayaasha

Hargeysa (Berbera news) Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa diidmo ka muujiyay islamarkaana sheegay inaanu aqbalayn hanaan Xukumaddu wado oo lagu midaynayo Xeerka Diwaan galinta Muwaadinka iyo Diwaan galinta Codbixiyaha, taasi oo qofka qaadanaya Kaadhka Codbixinta ay tahay inuu haysto kaadhka dhalashada.
 
 
 
 
Xeerka labada diwaan galinood oo Xukumaddu u gudbisay Golaha wakiilada ayuu waddani sheegay inuu khilaafsan yahay Wixii ay ku heshiiyeen Komishanka, Xisbiyadda, Madaxweynaha iyo Beesha caalamka ee Doorashada ka taageerta Somalilando oo ahayd inay kala madax banaanaadaan labada diwaan galinood
 
 
 
Shir jaraa’id oo uu Xisbiga Waddani ku qabtay Hargeysa waxaa ka hadlay Xoghayaha Guud ee Waddani Maxamed Cabdillaahi uurcadde “Labada diwaan galinood ee Diwaan galinta Codbixiyeyaasha iyo Diwaan galinta Muwaadinku, mid walba waxay u baahan tahay xeer gaar ah oo lagu maamulo oo laga ansixiyo Golaha wakiilada.Komishanka Doorashooyinku waxay abaabuleen Qaadhaan bixiyeyaasha Doorashooyinka, waxay hawl galiyeen Khubaro sharci oo La sameeyay Xeerka Codbixiyeyaasha, waxayna Xukumadda u gudbiyeen Xeerkaasi mudo laba bilood laga joogo” Ayuu yidhi Mr Uurcadde.
 
 
 
Xoghayaha Waddani Oo Hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “ Xeerkii Komishanku u gudbiyay Xukumaddu wakhti baday haystay, waxayna Goga(Ku dareen) u galiyeen Xeerkii Muwaadinka oo isna u baahnaa Xeer Gaar ah. Waxay shuruud uga dhigeen in marka Diwaan galinta Codbixiyeyaasha la qabanayo khasab ay tahay in qofku soo maro Xeerka ama Diwaan galinta Madaniga ah oo marka hore la dhamays tiro Diwaan gelinta Muwaadinka.markaa waxay qofka doonaya kaadhka Codbixinta khasab kaga dhigeen inuu sito Kaadhka Aqoonsiga”
 
 
 
Xoghaya Guud ee Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde waxa uu ka hadlay sida ay u arkaan Midaynta labada xeer “ Waxaanu u aragnaa Midaynta Xeerka Diwaan galinta Codbixiyeyaasha iyo Xeerka Diwaan galinta madaniga ah, in Xukumaddu ka cararayso inay samayso xeerka codbixiyeyaasha oo sidii lagu heeshayay ay u samayso”
 
 
 
Xoghayaha Waddani ayaa sheegay in Xeerka Xukumadda ka soo baxay wakhtigani khilaafsan yahay sidii ay hore Xisbiyada Qaranka,Komishanka Doorashooyinka iyo Madaxweynuhu ugu heshiiyeen oo ahayd in Diwaan galinta Muwaadinka iyo xeerka Codbixiyeyaasha la kala saaro islamarkaana Wasaaradda Daakhilligu samayso Diwaan gelin madaniga ah oo mudo dheer soconaysa.
 
 
 
“Waxaanu aad iyo aad uga xunnahay, in y wixii lagu heshiiy ee Madaxweynuhu qoray ee saddexda Xisbi Qoreen ee Komishanka iyo Wasaaradda Arimaha guduhu qoreen in Xeerka Maanta ay Xukumaddu u soo gudbisay Golaha wakiiladu uu khilaafsan yahay oo uu ka hor imanayo. Waxaanu ka xunahay inaanay xukumaddu tix galin Qoraaladii beesha caalamka loo diray oo aanu u aragno Khiyaamo Qaran iyo in maalin ba ninka joogaa dalkan halkuu doono u jahaynayo” ayuu yidhi Xogahaya Waddani.
 
 
 
Xoghayaha Waddani waxa uu ugu dambeyn sheegay inaan Xisbiga Waddani Aqbalayn Shuruud lagu xidho Kaadhadhka Codbixinta “Xisbiga Waddani Marna aqbali maayo Shuruud lagu xidho, iyadoo mudo korodhsi looga dan leeyahay in Muwaadinka Codbixiyaha ahi uu haysto Kaadhka Aqoonsiga.haddii Kaadhka Aqoonsiga la samaynayana dhawr sanadood ayay qaadanaysaa taasna anagu diyaar uma nihin” ayuu yidhi Xogahaya waddani.
 
 
 
 
 
 
Halkan ka Daawo.

 
 
 
Berbera news/Hargeysa