Dawladda Hoose ee Hargeysa oo ku fashilantay nadiifinta qashinka xilli-roobaadka

Hargeysa(Jam/Berberanews)–Dawladda Hoose ee magaalada Hargeysa, ayaa ku fashilan tahay inay jidadka iyo degmooyinka kala duwan ee caasimadda ka nadiifo qashinka ka dhasha daadka biyo-roobaadka, kaasoo inta badan xidha goobaha biyo-mareennada ah, jidadka magaaladana kaga taga qashin xad-dhaaf ah oo wax u dhimaya bilicda caasimadda.

Daad iyo biyo soo rogmaday oo ka dhashay roob degaanno magaalada Hargeysa iyo duleedkeeda ah ka da’ay fiidnimadii habeenkii Jimcaha, ayaa sababay in qashin badan xidho qaar ka mid ah goobaha biyo-mareennada ah (drainages) ee caasimadda Somaliland, iyadoo indhaha dadku qabteen iliilado qashin buux-dhaafiyey oo ku yaal degmada 26-ka June ee magaalada Hargeysa.

khasin

 

Maayirka Caasimadda Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Slteeko) iyo qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Degaanka Hargeysa oo Jamhuuriya xidhiidho kala duwan la sameeyey shalay si wax looga weydiiyo sababta Dawladda Hoose wax uga qaban weyday qashinka buuxiyey, isla markaana xidhay biyo-mareenno badan, kuna faafay jidadka gaadiidka ee badhtahama Hargeysa, ayaanay suurtogal noqon in wax jawaab ah laga helo, kadib markii ay qaban waayeen telefoonnadooda gacanta.

Hasayeeshee, weriyeyaal Jamhuuriya ka tirsan, ayaa arkay, sawirrona ka qaaday qashin aad u badan oo xidhay qaar ka mid ah biyo-mareennada magaalada, gaar ahaan iliilada dhinaca dambe ka marta cusbitaalka weyn ee Hargeysa, kadib markii qashin ka dhashay daadka roob habeenkii Jimcaha da’ay sababay in biyo-mareennadu xidhmaan, iyadoo arrintaasi sababtay fool-xumo iyo hoos-u-dhac ku yimi bilicda, isla markaana keeni karto in xannuuno ka dhashaan qashinka tuulan xaafadaha iyo hareeraha jidadka caasimadda Hargeysa.

Qashinka fool-xumada wata ee xidhay goobaha biyo-mareennada ah oo isugu jira hadhaaga waxyaabo bani-aadamku isticmaalo, sida caagadaha laga cabo biyala loo yaqaan mooye-saxada, baco yaryar, daasado, maryo dhammaaday, ciid iyo noocyo kala duwan oo qashinka ka mid ah, waxa badanka sabab u ah dadka oo xilliyada roobka waxyaabaha qashinka raaciya ama ku daadiya meelaha biyo-mareennada ah si ay guryaha iyo meheradooga uga fogeeyaan, basle aanay ka fikirin waxyeelada caafimaad iyo fool-xumada arrintaasi ku tahay dadweynaha iyo bilicda magaalada, iyadoo tallaabadaasina tahay masuuliyad-darro dadka muwaadiniinta ah in badan sameeyaan.

Dawladda Hoose iyo Golayaasha Degaanka oo waajibaadkooda shaqo ee loo doortay ay ugu mihiisam yihiin ilaalinta bilicda magaalooyinka, nadiifinta qashinka, qurxinta iyo sare u qaadka tayada jidadka iyo goobaha biyo-mareennada ah, ayaa xilligan u muuqda inay ka gaabiyeen gudashada waajibaadka dadweynuhu u doorteen, gaar ahaan Golaha Degaanka Hargeysa oo ah muraayada Jamhuuriyadda Somaliland, maadaama ay tahay caasimadda dalka, balse, masuuliyiinta madaxda ah iyo xildhibaannada Golaha Degaanka Hargeysa way ka gaabiyeen waajibaadka shaqo ee looga fadhiyey inay ku ilaaliyaan bilicda caasimadda, iyadoo ay fiican tahay in dawladda Hoose heegan gasho xilliyada roobka si wax looga qabto qashinka ka dhasha daadka biyaha roobka ee xidha waddooyinka iyo illiiladaha biyo-mareenka ah.

IMG_1610

Qaar ka mid ah dadweynaha caasimadda, gaar ahaan dadka socodka ku maray jidka dhinaca dambe ama waqooyi ka mara cusbitaalka guud ee Hargeysa, ayaa si aad ah ula yaabay fool-xumada qashin xidhay illiilada biyo-mareenka ah, iyadoo inta badan qofkasta oo jidkaas mara, isla markaana indhihiisu qabtaan fool-xumadaas isweydiinayeen sababta dawladda Hoose wax uga qaban wayday arrintan, waxaannu qashinka xidhay biyo-mareennadu tilmaan cad ka bixiyey karti-darrada iyo fadhiidnimada Golaha Degaanka Hargeysa oo ay ahayd inay qashinkaas sifeeyaan isla habeennimadii Jimcaha xilligii roobku joogsaday, biyihii socdayna istaageen.

Waxa jira shirkaddo madaxbannaan oo dawladda Hoose ee Hargeysa ku wareejisay inay qashinka ka nadiifiyaan degmooyinka caasimadda, balse, shirkadahaasi, gaar ahaan shirkadda qaabilsan degmada 26-ka June ee Hargeysa, ayaa dhinacooda ku fashilmay inay wax ka qabtaan qashinka iyo waxyaabaha hadhaaga ah ee xidhay goobaha biyo-mareennada ah, waxayna masuuliyadda fool-xumadaasi dusha ka saran tahay dawladda Hoose oo ay ahayd inay daba-gal ku samayso shirkadaas gaarka loo leeyahay.

Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa dhawr jeer oo hore dadweynaha kala duwan uga digtay inay qashinka iyo waxyaabaha hadhaaga ah ku shubaan goobaha biyo-mareennada ah, meherkasta iyo guri walbka oo caasimadda ku yaalna si gaar ah u ururiyo qashinka, kaasoo loogu tallogalay inay qaadaan, nadiifiyaana shirkadaha gaarka ah ee dawladda Hoose u xil-saartay nadiifinta qashinka.

Hasayeeshee, digniintaas dawladda hoose ma hirgelin, waxaana jira iyo dadweynuhu xilliyada roobka uga faa’iidaystaan inay qashinka ku ridaan ama raaciyaan biyaha roobka, kaasoo sababa inay xidhmaan goobaha loogu tallogalay biyo-mareennada, isla markaana in biyuhu dul-maraan illiiladaha, qashinkana ku faafiyaan badhtaha jidadka iyo xaafadaha dhexdooda, balse, haddii Dawladda Hoose muujin lahayd dedaal dheeraad ah marka roobabku da’aan, waxay ku guulaysan lahayd inay bannayso biyo-mareennada xidhma, kana nadiifiso qashinka fool-xumada iyo caafimaad-darrada wata ee ka dhasha daadka roobabka.