Kulan Maanta Madaxtooyadda Ku Dhex-maray Madaxweynaha, Xisbiyadda Iyo Ujeedda Uu Xambaarsanaa

Hargeysa  (Berbera news) Waxa maanta Xarunta Madaxtooyadda kulan uu Ku Dhex-maray  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Xisbiyadda Mucaaridka, waxaanu kulankaasi socda saacaddo badan.
 
 
Kulankla ayaa lagaga wada hadlayay Xeerarka Diwaan galinta Codbixiyeyaasha Doorashada Oo Mucaaradku danaynayo iyo Diwaan galinta muwaadinka oo Xukumaddu danaynayso.
 
 
Ilo-xogogaal ah ayaa sheegay in kulankani uu socday ilaa duhurkii, kaas oo la sheegay in Mucaaradku  iyo Madaxweynuhu isla fahmi waayeen qaabka loo dhigay labada xeer diwaan galineed.
 
 
Hogaamiyeyaasha mucaaradka ayaa ku doodaya in la kala madaxbanaaneeyo Diwaan galinta Muwaadinka iyo diwaan galinta Codbixiyeyaasha, kuwaasi oo ay doonayaan in si siman la isku barbar wado.
 
 
 
Balse Xukumadda ayaa labada xeer oo is huwan u gudbisay Golaha wakiilada, iyadoo ay ku jirto Shuruud ah inaan qof aan qaadan Kaadhka Muwaadinimo aanu qaadan Karin Kaadhka Codbixinta. Shuruudaasi ayay Mucaaradku ku doodayaan inay dib u dhigayso Doorashada oo Muwaadiniintu intay helayaan kaadhka Aqoonsigau wakhti badan qaadanayso.
 
 
 
Madaxweyne Siilaanyo ayaa Mucaaradka  u sheegay in qaabka Wasaaradda Daakhiligu u gudbisay ee ah in labada xeer la isku daro islamarkaana Diwaan galinta Madaniga ah la dhamays tiro ka dibna la bilaabo kaadhka Codbixinta uu taageersan yahay.
 
 
 
Xisbiyadda Mucaaradka ayaa la filayaa inay Mawqif adag iska taagaan sida Xukumaddu u wado Xeerarka doorasho oo midna Komishanku gudbiyay midna Wasaaradda Arimaha guduhu waday oo Xukumadddu iskugu lifaaqadday.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa